Xogta Xasaasiga ah ee Kulankii RW Rooble, Qoor Qoor, Guudlaawe & Midowga Musharaxiinta

 


A C-WARAR

Xalay waxaa kulamo kala duwan magaalada muqdisho ku yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaasriinta Maxamed Xuseen Rooble oo kasoo baxay Madaxtooyada, qaar kamid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta & Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle, kulankaas oo looga hadlayay xaalada dalka.

Kulanka oo lagu qabtay Hoyga oo Muqdisho ka degan yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) ayaa waxaa siweyn looga hadlay dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho iyo Arrimaha doorashooyinka.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo shirka ka warbixiyay ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa sidii looga wada Shaqeyn lahaa amniga iyo deganaanta muqdisho loogana hortegi karo waxkasta oo keeni kara dhibato.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxda ay ka wada hadleen in dalka ay si deg deg ah uga dhacdo doorasho asal u ah heshiiskii 17-kii September, isla markaana dhinacyada oo dhan ay xoogooda u mideeyaan sidii looga fogaan lahaa wixii dalka horseedi kara xasilooni darro.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaasriinta iyo Midowga Musharixiinta ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli malmihii la soo dhaafay xaalada Magalada Muqdisho ay aheyd mid kacsan kadib markii ay dagaalameen Ciidamada dowladda iyo kuwo Millateri ah, kuwaas oo sheegay inay kasoo horjeedaan mudo kororsiga ay sameeyeen Golaha Shacabka.

Dhinacakale Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Sirdoonka [NISA] Fahad Yasin booqdey Itoobiya oo gacansaar dhow la leh maamulka Farmaajo “si uu u waydiisto taageero deg deg ah oo la xiriirta xaaladda go’doonka ah ee caasimadda

Yaasiin, oo ah gacanta midig ee Farmaajo, isla markaana mar soo noqday weriye ka tirsan teleshinka Qadar ee AlJazeera qeybta luuqadda Carabiga, ayaa Isniintii u safray Itoobiya

Iyaddoo socdaalkiisa laga qariyey warbaahinta, Fahad ayaa lagu waramay in uu xambaarsanaa fariimo adag kuna sifeeyay ciidanka gadoodsan “muqaamo dooneysa in ay xukunka ka rido Farmaajo

In kasta oo Villa Soomaaliya aysan si cad uga hadlin howlgalka qarsoodiga ah ee uu Yasin ku tagayo Itoobiya, Farmaajo oo u muuqda mid hoos u dhiga dhawaqa Galmudug iyo HirShabelle ayaa sheegay in Sabtida todobaadka dambe uu kulan la yeelan doono sharci dejiyeyaasha Aqalka Hoose si looga dhaadhiciyo in ay diidaan muddo kororsiga labada sano oo xudun u ahayd isku-dhacyadda ay caasimadda martigelisay horaanta todobaadkan ayna ka dhasheen khasaaro kala duwan.

Post a Comment

0 Comments