DF oo bilowday u gaarsiga askarta iyo Taliyeyasha ciidamada Badbaado Qaran iyo dil naxdin leh oo…



 A C-WARAR

Saraakiishii & Askartii badbaado qaran oo cabsi ay soo wajahday kadib markii Maxamed Muqtaar (Deeqoow ) oo ka mid ahaa dhalinyardii ilaalada shacabka Markii danba ku biiray ciidanka Badbaado qaran meydkiisa laga helay god qashin dhexdiisa oo ku yaalla agagaarka xerada Generaal Kaahiye ( School Polisiyo) .

Marxuunka ayaa markii ugu danbaysay waxaa u yeeray taliyaha ciidanka dufaan sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka Badbaado Qaran oo warkan aad uga naxay.

Mid ka mid ah ehelada Marxuumka oo hadlay  Idaacada Mustaqbal ee magaalada Muqdisho  ayaa u sheegay in ay waayeen xogta wiilkooda ka dibna loo sheegay in Maydkiisa laga helay god ku yaalla agagaarka xerada ciidanka ee Generaal Kaahiye.

Saraakiisha Dowlada ayuu qof ehelkiisa katirsan ku eedeeyay  in ay” Ugaarsanayaan ciidankii iyo saraakiishii ka soo horjeesatay mudo dheeraysiga”

Cabdiraxmaan Muqtaar Maxamed, oo ah walaalka Deeqoow, ayaa qoraal uu ku daabay bartiisa Facebook ku qaxiiyay geerida walaalkiisa“Geeridu kala xanuun badan walaalkay aa aduunka ugu jecla mohamed muktar mohamed Mahamed Muqtar ilaahay hakuu naxariisto, Gacan kaa xaqdaran aa ku dishay qabriga ilaahay hakuu waasiciyo kitaabkaaga gacanta midig ilaahay hakaa siiyo” ayuu ku ku yiri qoraalkiisa tacsida ah.

5 May,2021, ayaa Midowga Musharixiinta iyo Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Xilgaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble waxa ay kala saxiixdeen heshii lagu kala qaaday ciidankii isku horfadhiyay guddaha magaaladda Muqdisho, waxaana qodobka 2 aad ee heshiis uu dhigayay “In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas”.

Saraakiisha Dowladda iyo Mucaaradka midkoodna kama uusan hadlin dilka loo gaystay Maxamed Muqtaar Deeqoow oo ka tirsanaa ciidankii dhawaan diiday in madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya ay samaystaan mudo dheeraysi.

Dhinaca kale Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa ka hadlay dil si arxan darro ah magaalada Muqdisho loogu geystay askari ka tirsanaa ciidankii Badbaado Qaran ee ka hor tagay mudo kororsigii Farmaajo iyo gabar Weriye ah oo maanta ay jir dileen Taliyaha saldhigga booliska ee degmada Xamarweyne iyo askar uu watay.

Senatorka oo fariin u diray ra’iisul wasaare Rooble ayaa ka dalbaday inuu jawaab deg deg ah ka bixiyo labadaas dhacdo ee mid lagu dilay askariga, midna lagu jir dilay Weriyaha.


Post a Comment

0 Comments