Farmaajo wuxuu adeegsadaa Mehdi Gouled si uu u carqaladeeyo wada hadalka

 


A C-WARAR

Shirka Wadatashiga Qaran ee ka furmay Sabtidii aynu ka soo gudubnay magaalada Muqdisho ayaa maanta galay maalintiisii afaraad iyadoo ay jirto rajo ah inuu shirka heshiis lagu gaaro.

Kulankan oo ay ka qeybgalayaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa haatan si hoose u galay qodobada muhiimka ah ee qabsoomidda doorashooyinka Dalka.

Wararka laga helayo shirka ayaa waxa ay sheegayaan in ay adkaatay in heshiis laga gaaro sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhex jira siyaasiyiinta iyo Madaxda kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee dalka.

Kulankan oo uu shir guddoominayo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa soo dhoweeyay siyaasiyiinta, qeybaha kala duwan ee ururada bulshada dalka iyo weliba beesha caalamka

Roobley wuxuu ku guuleystay inuu xaliyo dhibaatooyin badan oo doorashada la xiriira, laakiin wuxuu la kulmayaa caqabado uu abuurayo Farmaajo.

Dhanka kale madaxda maamul goboleedyada  ayaa kulamo gaar gaar ah la leh, siyaasiyiinta, Xildhibaanada iyo waliba qeybaha kala duwan dadka ay quseyso siyaasadda Soomaaliya.

Lama oga xiliga shirka soo xirmi doono iyo waliba heshiiska lagu gaari karo waxaas la saadaalinayaa inuu guuleysto.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobollada wuqooyi ayaa weli muqdisho kawada kulamo gaar gaar ah.

Talaadada maanta ah kulankii dhacay waxay si cad usheegeen inaysan hoos gelis waxyaabo umuuqda aan la aqbali Karin oo aysan Mahdi Guuleed rabitaankiisa ku shaqeyn doonin.

Shalay kulan ka dhacay Hoteelka Decale ayaa waxa yeeshay Ra’iisal wasaare Rooble iyo Cabdi Xaashi,Dawlada waxay sheegtay in kulankaasi is afgarad ku dhamaaday,hayeeshee warar kale ayaa dib kasoo baxay.

 

Post a Comment

0 Comments