Farmaajo wuxuu isku dayayaa inuu Kenya kula heshiiyo nidaam ka baxsan maxkamadda caalamiga



 A C-WARAR

Waxaa aad  u soo shaac  baxaya safar la sheegay in Madaxweyne Farmaajo ku  tagi  doono magaalada Dooxa  ee dalka Qatar waxaana safarkaas ku wehlin doono madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata

Ujeedka safarkaas waxaa lagu sheegay dhameestirka heshiiska Somalia iyo Kenya iyadoo arrinta Baddana lagu dhameyn doono qaab wadahadal ah.

Waxaa arrimahan xaqiijiyay dimbloomaasi sare oo katirsan dowladda Qatar.

Sidoo kale waxaa qoraalkan hoose arrintaas kaga hadlay wasiirka amniga Galmudug ahna Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka Axmad Macalin Fiqi.

Raysulwasaare ku xigeenka, wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta Xukuumadda Federaalka waxay noo sheegeen in soo celinta xiriirka diplomaasiyad ee Soomaaliya iyo Kenya aysan saamayn ku yeelanayn kiiskii dacwada badda ee u dhexeeyey labada dal.

Balse arrintaas waxaa ka run sheegay oo been yiri warka sare, ninkaan Qatariga ah oo sheegay in labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay 21-ka bishan magaalada Dooxa ay ku kala saxiixanayaan heshiis in murankii badda lagu xalliyo maxkamadda banaankeeda, dacwadiina dib looga noqdo.

Tani haddii ay sidaas u jirto waa qiyaano qaran, oo u baahan in si weyn looga hor yimaado.

Kiiska Muranka baddu waa gabagabo waxaana la sugayaa go’aanka maxkmadda bisha soo socota, cidna laga ogolaan maayo in ay go’aan u gaar ah ka gaarto.

Soo celinta xiriirka labada dal ayaa waxaa ka shaqeysay Qatar, oo saami ku leh shirkadda Talyaaniga ee ENI oo iibsatay qeybo ka mid ah xirmooyinka shidaal ee dhul badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay, taasi oo dhalisay shaki xooggan oo ku saabsan in labada dal ay qorsheynayaan heshiis maxkamadda ka baxsan.



Post a Comment

0 Comments