Madaxda oo maanta soo xereysa shirka doorashooyinka ee muqdisho

 


Waxaa maanta Khamiista lagu wadaa in heshiiska doorashada lagu saxiixo xerada Afisyooni kadib wada hadal muddo todobaad ah u socdday R/Wasaaraha Soomaaliya, madaxweyneyaasha maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir.

Madaxda Soomaalida ayaa la filayaa in maanta ay si rasmi ah u soo saaraan warmurtyeed, kaasi oo qeexaya heshiiska ay ka gaareen doorashooyinka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb geli doono Ra’isul wasaararaha, madaxda maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha Banaadir, halka sidoo kale lagu casuumay madaxweyneyaashii hore ee dalka Shiikh Shariif, Xasan Shiikh iyo madaxweyne Farmaajo, iyadoona la filayo in madaxda khudbado ka jeediyaan munaasabada.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in heshiiska uu noqonayo inta badan isafgaradkii guddiyada farsamada ee Baydhabo 15-16-kii February 2021-kii ay ku gaareen halkaasi.

Diyaar garowga munaasabada ayaa haatan waxaa ay ka socotaa xerada Afisyoioni ee Mgaaalada Muqdisho, iyadoona maanta si rasmi ah loo soo gaba gabeyn doono shirka looga hadlayay doorashooyinka Soomaaliya.

 War-murtiyeedka manta soo baxaya waxaa la adkeyn doonaa in doorashada ka dhacdo labo deegaan doorasho oo maamul goboleed kasta ah iyada oo xal laga gaaray Gedo oo markii hore uu Farmaajo ku dheganaa

Arrinta Somaliland: Guddoomiye Cabdi Xaashi oo odeyga ugu sareeya siyaasiyiinta Somaliland waxaa ay Farmaajo iyo kooxdiisa u diideen in  isaga iyo Mahdi Guuleed ay mid labo xubin ku lahaadaan FEIT, waxaa kale oo loo diiday in la kala barto guddiga SEIT. Guud ahaan 15-ka xubin ee laga sugayo Somaliland waxaa la siiyey Cabdi Xaashi 5 xubin oo keliya taas oo ka dhigan in Mahdi Guuleed oo ah gacanta midig ee Farmaajo uu inta badan maamulayo doorashada Somalilan

Imaatinka Farmaajo ee xafladda saxiixa waa qaab rasmi ah, in kasta oo uu isagu isagu ka shaqeeyay in laga hortago maalinta koowaad.

Saxiixa heshiiska ayaa loo arkaa inuu yahay saxiixa soo afjarida madaxtinimada iyo kalitalisnimada qaswade Farmaajo. se waxaa xusid iyo amaan mudan Mucaaradka oo ku guuleysteen inay dalka gaarsiiyaan xilli cusub oo dimoqraadi ah. iyo dawrka ween ee uu ciyaare R.W rooble





Post a Comment

0 Comments