Rooble oo ka hor yimid amar ka soo baxay xafiiska Farmajo



A C-WARAR

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Rooble uu diiday isku day la doonayay in Cabdi Cali Raage oo ah La taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka in Xafiiskiisa loo soo wareejiyo, si uu ugala shaqeeyo shirka 20-ka May ka furmaya Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hoggaamin doona shirka ka furmi doona Teendhada Afisyooni ee looga hadlayo hirgelinta doorashooyinka, labada maalin ee ugu soo horeysa ayaa la filayaa inay Muqdisho soo gaaraan Wafuuda Dowlad Goboleedyada.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu diiday qorshaha xafiiskiisa loogu soo wareejinayo Cabdi Cali, si uu ugala shaqeeyo shirka.

Rooble ayaa hoggaamin doona shirka ka furmi doona Teendhada Afisyooni ee looga hadlayo hirgelinta doorashooyinka, waxaana la filayaa in Madaxda dowlad Goboleedyada ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan Shirka.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maamulka Doorashada iyo amniga ku wareejiyay Rooble, kadib markii Golaha Shacabka ay dib uga laabteen muddo kordhintii ay u sameeyeen Farmaajo oo siweyn looga soo horjeeystay.

Dhammaan xisbiyada waxay taageersan yihiin in la qabto doorasho, marka laga reebo Farmaajo, oo ku dadaalaya inuusan qaban iyaga si uu xukunka usii wado iyo kaligi talisnimadiisa iyo cabudhinta dadka. Doorashada waa in sida ugu dhakhsaha badan loo qabtaa oo Farmaajo meesha ka baxay.

PM Rooble wuxuu ku qanciyay hogaamiyaasha gobolada inay ka soo qeyb galaan kulanka la qorsheeyay 20ka May si dib loogu bilaabo wadahadaladii ku saabsanaa doorashada ka dib markii midowga mucaaradka uu amaanay dadaalkiisa maalmihii la soo dhaafay Maamulada Jubaland iyo Puntland ayaa xaqiijiyay inay taageerayaan wadahadalada.

 

Post a Comment

0 Comments