A C-WARAR
Wali damacii Boobka
doorashadu kaligii Taliye farmaajo wuu kujiraa Waxa shaki badan laga qabaa,
siduu doorasho xalaal ah, u qaban-karo raysal-wasaare maqaar-saar ah, oo miiska
dabadiisa laga maamulayaa
DEELQAAFKA ku jiray Khudbadii Ra’iisul Wasaare Rooble ee dareenka aan ka
muujiyay. Sadex qodob ayaanan ku soo koobayaa.1. Arimaha amniga wuxuu sheegay
in uu la soo wareegay Amniga doorashooyinka iyo fulinta qorshaha amniga guud ee
qaranka.
Amniga doorashada waa howl farsamo mas’uuliyadeedana waxaa iska leh
Ciidanka Booliska heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed. Waana shaqo uu qaban
karo Taliye Saldhig isagoo kaashan kara cidii uusan uga maarmeyn. Lkn waxa la
isku hayo intaas waa ka mug weynyihiin, taasoo ah awaamiirta
Taliyeyaashu bixinayaan, cida ay ka amar qaadanayaan iyo siyaasaadka ay ku
shaqaynayaan. Rooble waxa laga sugayay in uu mas’uuliyada amniga si buuxda ula
wareego, badalana Taliyeyaasha dhiiga gacmaha kula jira ee hormuudka ka ahaa
dhibaatadii ka dhacday magaalada Muqdisho.
Fulinta Qorshaha Amniga ee Rooble sheegay hadii uu yahay midkii Farmaajo
shalay Golaha Shacabka ka hor sheegay waxaba isma badalin wali, waxayna ka
dhigantahay in Farmaajo wali yahay Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida, Rooblena uu
yahay fuliyaha qorsheyaasha Farmaajo. Walina waxaan aqrisanaynaa casharadii
Farmaajo muddada afarta sano ah noo meerinayay ee ay ugu dambeeyeen weerarkii
19-kii
Febraayo uu ku qaaday Madaxweyneyaal, Ra’iisul Wasaare, Musharaxiin,
Xildhibaano, Siyaasiin iyo Shacab si nabad ah u bannaanbaxaya. Weerarkii 14-kii
iyo 16-kii Abriil lagu qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Gen Saadaq
Joon iyo duulaankii qorshaysnaa ee guryaheena lagu soo qaaday 25-kii Abriil ee
dad shacab ah lagu laayay kuwa kalena lagu barakiciyay, Ciidamada Qalabka
Sida-na ku burbureen oo maanta aagag dagaal isaga soo horjeedaan.
2. Ciidamada wuxuu
yiri mucaarad iyo muxaafid malahan waxaanan farayaa in ay xeryahooda ku
noqdaan, kana fogaadaan in ay ku milmaan arimaha siyaasada. Sidoo kale wuxuu
sheegay in loo saarayo gudi farsamo oo ka soo talo bixiya arimaha siyaasadeed
ee saameynta ku yeeshay ciidamada.
Ra’iisul Wasaare
Rooble waxaan waydiin lahaa sidee xero u wada geli karaan Ciidamo madaafiic
isla dhacay oo dhufaysyo isugu jira iyadoo aan la xalin sababihii dhaliyay
arintaan, sidoo kalena aan la samaynin isbadal muuqda oo kalsooni gelin kara
labada dhinacba. Sidoo kale sidee isku aaminayaan ama u kala amarqaadanayaan
Taliyeyaal kala irdhoobay, mid waliba midka kale xabad ku goobayo, wax xurmo ah
oo ka dhaxeysana aysan jirin?
Siyaasada ciidamada
in laga dhex saaro ma xuma lkn Farmaajo makaa yeelayaa, maadaaba ilaa hada
ciidamo uu ka soo daabulayo gobolada dalka si uu mar kale ugu isticmaalo
siyaasad. Dhanka kale gudiga aad sheegtay in aad magacaabayso sidee loo aamini
karaa hadii uu noqdo gudi hal dhinac ah, sooma noqon karo gacmo Farmaajo ku
adeegto mar kale?
3. Qodobka ugu
dambeeya waa arinta ku saabsan shirka DF iyo DG ee Rooble sheegay in uu ku
baaqi doono. Rooble iyo Farmaajo waxay ka mideysanyihiin in aan waxaba lagu
darin heshiiskii 17-kii September iyo talo soo jeedintii 16-kii Febraayo wax
sharuudo ahna aan lagu xirin. Sida labadooduba shalay ay ku sheegeen
khudbadahooda.
Waxaan su’aali
lahaa Ra’iisul Wasaare Rooble hadii howshu sidaas u fududahay maxay
Madaxweyneyaasha DG Muqdisho u fadhiyeen mudo 45 cisho, shirkuna u fashilmay,
sababayna in dagaal ka dhaco magaaladan.
Aragtideydu kuma
dhisna caaddifad ee waxay ka tarjumaysaa waaqica jira. Waxaanan diyaar u ahay
inaan qayb ka noqdo xal walba oo suurtagelin kara in si nabdoon dalkaan
doorasho uga dhacdo, dalka iyo dadkana laga samatabixiyo mushkiladaan uu dhex
maquuranayo.
Ra’iisul Wasaare
Rooble waxaan leeyahay abtiyow dhiiqadii Farmaajo lugaha kula jiray yaan adiga
lagaaga dhex siibanin ee si xikmadeysan arintaan u wajah, dadkana talada wax ka
sii. Kuwa xamaasadeysan ee raba caaddifad in ay ku majoxaabiyaan dadaalkeenana
waxaan leenahay walaaleyaalow Ilaahey iimaanka ha idin geliyo.
0 Comments