Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee xalka loogu raadinayo arrimaha doorashooyinka oo aad loo amaaney

 


A C-WARAR

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa shaley hogaaminayay shirka doorashooyinka Qaranka iyadoo dhamaan ay goobjoog ahaayeen madaxda maamul goboleedyada dalka iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir.

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday Maxamed Farmaajo ayaa dhowr jeer ku fashilmay in natiijo laga gaaro shirarkii doorashooyinka ee Dhuusomareeb iyo kii kan ka horeeyay ee Afisiyooni.

Farmaajo ayaa caqabad ku ahaay in horumar laga gaaro doorashada dalka islamarkaana uu danahiisa ka hormariyay danaha qaranka isagoo Laba sano ku darsaday muddo xileedkiisa taa oo keentay in magaalada ay soo galaan ciidan ka soo horjeedo oo qax iyo dagaal uu ka bilowday Xamar.

Farmaajo ayaa sidoo kale waxa uu noqday maro ku dheg iyadoo dhamaan shirarkii fashilmay ee doorashiiyinka ay u socon waayeen dano gaar ah oo isaga uu leeyahay haba ugu darnaanto arrinta gobalka Gedo.

Beesha Caalamka ayaa dhowr jeer ku celcelisay iney muhiim tahay in shirka guul laga gaaro waxeyna u muuqataa iney iyada tahay cida Farmaajo u diiday ka qeyb galka shirka oo ay u arkeen qaswade

Midowga Musharaxiinta ayaa horay u sheegay in wax horumar ah aan laga gaari doonin shirka doorashooyinka ilaa Farmaajo oo ay ku tilmaameen qaswade uu ka dhex baxayo.

Ra’isul wasaare Rooble ayaa hadda heysta fursadii ugu fiicneyd iyadoo uu taageero uu ka helay midowga musharaxiinta, madaxda maamul goboleedyada dalka iyo waliba Beesha Caalamka, waxaana la filayaa shirka maanta dhamaaday in heshiis wax ku ool ah ay ka soo baxaan.

Inta badan xubnaha mucaaradka ah ayaa si siman u soo dhaweeyey shirkan shaley ka furmay magaalada Muqdisho, iyagoo muujiyey inay qabaan rajo wanaagsan oo hor seedi karta doorasho xasiloon oo dalka ka dhacda.

Post a Comment

0 Comments