A C WARAR
Kulan Muqdisho ku
dhexmaray Gudigii uu Ra’isul Wasaare Rooble u magacaabay xal ka gaarista
dagaaladii ka dhacay Muqdisho iyo saraakiisha ciidamada badbaado Qaran ayaa
lagu gaaray heshiis.
Waxaa sidoo kale ka
qeyb galay kulanka RW Rooble, Musharaxiinta, iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo
Hirshabelle.
Qodobada heshiiska
galabta lagu gaaray magaalada Muqdisho ee lagu soo afmeerayay qalalaasihii ka
dhashay mudo kororsigii Farmaajo ayaa kala ahaa sidatan:
In dhamaan
Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo
goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka
bilaabanaysa 05-05-2021.
In xuquuqda
ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku
yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku
saabsan dhacdadaas.
In si gooni ah loo
xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida: Darajooyinka, Mushaaraadka
iyo Xuquuqda kale ee Ciidan.
In kalsooni laga
dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni.
n Ra’iisul
Wasaarahu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida.
In aysan ku milmin
arrimaha Siyaasadda.
In aysan bixin
ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.
In la magacaabo
guddi khubaro Ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta
Ciidamada Qaranka.
In aan Ciidamada
Qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn.
In dhamaan
dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb.
In lasoo celiyo
gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka
dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray.
Fulinta qodobadaan
waxaa masuul ka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa.
Ciidamada fahad
yaasiin waxay shaqadoodii noqotay inay khilaaf iyo fidno ka dhex abuuraan
ciidamada xooga dalka si ay u kala qaybiyaan, waxaana ku waajiba inay hoos
yimaadaan awoodda ciidamada qalabka sida ee ugu sareysa oo aysan hoos imaan
amarka Fahd Yaasiin shaqsiyan.
Qodobada heshiiska
shaley lagu gaaray magaalada muqdisho ee lagu soo afmeerayay qalalaasihii ka dhashay
mudo kororsigii qaswade
Farmaajo
. Reer Muqdisho
nabad iyo horumar ayaan u rajeynayaa inshaa’allah.
wixi fashil ku
yimaad waxaa mas uuliyadeeda qaadi doo kalitaliska waqtigiisa dhamaadey farmajo
0 Comments