Maamul Goboleedka Puntland Puntaland ayaa
shalay magaalada Garoowe ku soo bandhigay shan dhalinyaro ah kuwaa oo ay
sheegtay iney ka soo goosteen dhalinyaradii tababarka loogu qaaday dalka
Ereteria
Qaar ka mid ah dhalinyaro ka tirsan askartii dowladda Soomaaliya tababarka
ugu qaaday dalka Eritrea oo ka soo baxsaday xeryihii ay ku jireen ayaa soo
gaaray Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, shir jaraaid-na ku qabtay
halkaas.
Waxay sheegeen in socdaal dheer oo dhulka ah ay ku soo mareen gobolada
Itoobiya ayna la soo kulmeen silic iyo rafaad aan la soo koobi karin ka hor
inta aysan soo gaarin Magaalada Garoowe.
Dhalinyaradan oo illaa shan nin ka koobnaa ayaa sheegay in laga qaaday
magaalada Muqdisho, loona sheegay in tababar loo geynayo dalka Qatar, kadibna
qaab qiyaano ah looga dejiyay Eritrea.
Sidoo kale waxay sheegeen intii ay ku jireen xeryaha tababarka ay la
kulmeen tacadiyo kala duwan oo iskugu jiray, dhimasho, jirdil iyo cago jugleyn,
taasoo markii ay u adkeysan waayeen ku qasabtay inay kasoo baxsadaan
C/Maalik C/llaahi oo ka tirsanaa dhalinyaradan ayaa sheegay in qeybta uu ka
tirsanaa ay isku dhaceen ciidanka Eritrean-ka lagana dilay askar ka badan 10,
ayna ku dhaawacmeen 50 kale.
Waalidiinta ay carruurtooda kaga maqan yihiin Eritrea ayey ugu baaqeen
ineysan joojin banaanbaxyada illaa loo soo celiyo wiilashooda oo ay sheegeen
iney ku jiraan nolol adag iyo rafaad fara badan.
“Alxamdulilh waxaa imaanay dhulkeeni hooyo socdaal dheer kadib, waxaa
waalidiinta ay ka maqan yihiin dhalintooda si deg-deg ah ugu baaqeyna inay sii
wadaan cabashada” ayuu yiri C/Maalik
Dhallinyaradan ayaa daliil nool u ah in dhallinyaradu aadayaan Tigray. Halka
ay Farmaajo iyo dowladiisa waxay ka been sheegayaan joogitaanka soomaalida
dagaalka tegray.
0 Comments