fariinta aan kuu wado maantey ila arag.



 A C-WARAR

Noqo qof ku qanacsan wax walbuu Alle siiyay, ogoowna inta aad heysatid dad badan ayaana heysan, sidoo kale ha ka daba qeylin adduunyo walba iyo wax walboo aad waysid, waayo waxaanan kuu qorneyn marnaba hili meysid.
Ku qanac inta aad heysatid, dadaal sameey, waxlboo Alle uu ku siiyana ku Mahdi

Adduunkaan waxaa la dhahay su'aal walboo aad qabtid dhan walboo ay nolosha uga saabsan tahay, qofbaa jawaabteeda haayo, marka wixii masaa'il ah ee kugu adag, ama aad ku wareertid ama aad dooneysid inaad sharaxaad iyo fahan ka hesho, hala xishoon oo ha qarsan, raadi qofka aad ku tabeyso jawaabta su'aashaas oo waydii.

Tan kale Jarmalka waxay dhahaan: "Fragen kostet nichts" oo la micno ah Su'aal lacag ma joogto, marka su'aal kugu taagan weligaa hala ganban oo hala seexan, jawaabteeda ka raadso dadka aad ku tabeysid

Jeclaaw naftaada iyo sida uu Alle SWT kuu abuuray, jirkaaga qaab walbuu yahay iyo wax walboo kaa maqan ama kaa dhiman waa wax caadi ah, sidaada ayaad qurux ku tahay.  Adigoonan cidna uga aabe yeelin jeclaaw naftaada, kuna raaxeyso noloshaada oo dadkaaga dhexdooda isla sida aad tahayba uga dhex dhalaal

Ha eegin gadaashaada oo wax xilli hore kaa qaldamay ama aad seegtay marwalba haka welwelin, xoogga saar noloshaadaas iyo maalintaadaas aad markaasi ku jirtid, oo Farxadda yaysan kaa qaadin wax hore oo laga soo gudbay, lana soo dhaafay. 

Post a Comment

0 Comments