Farmaajo iyo Qatar oo ku hishiiyeye inay carqaladeyan doorashada



 A C-WARAR

Dalka ay dadkiisu yihiin rubuc milyan, kuna yaalla Khaliijka ayaa saameyn weyn kulaa doorashada Soomaaliya ka dhacady 2012-kii iyo 2017-kii iyada oo lagu eedeeyo in lacag ku bixisay taageerada qaar ka mid ah musharaxiinta, dooneysana markii 3-aad iney saaxada timaado sanadkan.

Qoyska Aala-thaani oo ku caan-baxay keligii talisnimo, xirxirnaashiyo iyo iney is afgabiyaan ayaa muddo dhaqaale ahaan taageerayey Farmaajo taasi oo ka fogeysay shacabka Soomaaliyeed, shaki weynna keeni karto damacoodan cusub.

Qatar, marka laga soo tago iney muddo dheer Farmaajo la aheyd isbaheysi siyaasadeed, siina jirtay taageero dhan walba ah, iyada oo furahana uu ahaa Fahad Yaasiin agaasimaha NISA

Se Kulanka dhaxmarey Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo  dhigiisa Qatar  ayaa looga hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada dowladda Qatar ay siiso dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha

Wasiirka ayaa Suldaan Bin Sacad ka dalbaday in dowladda Qatar ay kordhiso taageerada ay siis

Dhinacakale Guddigii Ra’iisul Wasaaraha u saaray kala shaandheynta xubnihii cabashada laga keenay ee ku jiray Guddiga doorashada lagu muransanaa ayaa ku lug yeeshay fadeexo ku aadan inay sii daayeen xubno shaqaale rayid ahaa oo ku jiray 67 xubnood ee la soo eedeeyay

Guddigan uu hoggaaminayay C/llaahi Carab oo ah Saaxibka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay cadaadis kaga yimid Taliyaha NISA oo u sii daayay xubnaha laga keenay cabashada ee ku jiray Guddiga doorashada lagu muransanaa

Xubinta aan la bedelin ayaa lagu magacaabaa Yoonis Xasan Xuseen (Yoonis Alifow) oo ku jira Guddiga doorashada Dowlad Goboleedka Hirshabelle, kaasoo ka mid ahaa shaqaalaha Rayidka, kana soo shaqeeyay Madaxtooyada Villa Somalia,

 balse markii dambe u wareegtay hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha oo uu Guddoomiye Kuxigeen ka noqday. Ninkan ayay horay u soo eedeeyeen Guddiga Shaqaalaha Rayidka inuu labo Mushaar qaadanayay, isla markaana magdhaw lacageed lagu soo rogay inuu bixiyo mid ka mid ah mushaarkii uu qaadanayay oo gaarayay 6,352 dollar.

Waxaa dhanka kale sii xoogeysanaya fulin la’aanta heshiiskii Afisiyooni ee lagu qabtayu magaalada Muqdisho kaa oo ilaa iyo hadda ka fuli la’ dhinaca maamulada taageersan Dowladda

 


Post a Comment

0 Comments