Farmaajo oo u adeegsanaayo Al-Shabaab carqaladeenta hanaanka doorashooyinka

 


A C -WARAR

Khasaare ayaa ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay xerada ciidamada General Dhaga Badan oo ku taalla Ex Warshaddii hore ee Nac-Naca ee degmada Wadajir.

Sida aan wararka ku helnay qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa dhax galay koox dhalinyaro ah oo saf ugu jiray in ay galaan xerada ayna tababar u qaataan sidii ay uga mid noqon lahaayeen ciidamada kumaandooska ee Gorgor.

Goobjooge ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in ninka fuliyay weerarka ismiidaaminta ah uu dhinac ka galay dhalinyarada safka ugu jiray kamid noqoshada ciidamada Gorgor kadibna uu is qarxiyay.

In ka badan 10-qof oo u badnaa dhalinyaradii safka ugu jiray tababarka ciidanimada ayaa goobtaasi ku geeriyooxay, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay qaar kale oo lasoo sheegayo in ay ku jiraan kuwa dhaawacyo culus qaba.

Qaraxana wuxu kusoo aadayaa, iyada oo horey ay usoo baxeen digniino ku aadan in gudaha magaalada ay soo galeen rag wata jaakadaha qaraxyada, isla-markaana doonaya inay weeraro is-miidaamin ah ka fuliyaan gudaha magaalada Muqdisho.

Waa maxay sababta ay qaraxyadu usoo badanayaan xiliga wadanku doorasho u jihaysto?? Farmaajo iyo fahad yasin aan doonayn in wadanka ka qabsoonto doorasho oo ay Argigixisadana wada shaqayn lee yihin ma laga yaabe inay amniga ku qalqal gelinayaan.

4 sano oo xasilooni daro siyaasadeed ah oo qaraxyo isdaba joog ah iyo dilal qorsheysan ay ka dhacayeen Soomaaliya tan iyo markii uu xukunka qabtay Farmaajo.Farmaajo wuxuu doonayaa inuu carqaladeeyo howlaha doorashada ee heerarka baarlamaanka iyo madaxweynaha si uu kaligiis ugu sii jiro awooda

Post a Comment

0 Comments