Farmaajo wuxuu u adeegsadaa Al-Shabab dilalka siyaasiyiinta ka soo horjeedo



A C-WARAR

Waxaa maanta oo Axad ah lagu toogtay degaanada Puntland 21 xubnood oo horay ugu tirsanaa kooxda Argagixisada Al-shabaab

Xubnahan oo dhammaantood rag ahaa ayaa isugu jiray amiirro iyo malleeshiyaad dilalka iyo qaraxyada ka geysan jiray Magaalada Gaalkacyo iyo qeybo ka mid ah Gobolka Mudug.

Waxaa  sidoo kale magaalada Garoowe isla saaka lagu toogtay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab,  halka magaalada Qardhana lagu toogtay hal xubin oo Al-Shabaab ahaa.

Weerarada ay fuliso al shabaab Farmaajo waa kan ku dhiirrigeliya si loo carqaladeeyo hannaanka doorashada iyo la-tashiga berri ka dhacaya Muqdisho ee u dhexeeya Ra'iisul Wasaaraha iyo madaxda gobolada.

Farmaajo ma doonayo inuu xukunka si nabad ah ku wareejiyo, xittaa haddii u dhiigga Soomaalida kudaadanaayo.farmaajo  Isagu waaye kan carqaladeeya arrimaha dib u dhigaya qabashada doorashooyinka wuxuuna abuuraa qalalaase badan si looga takhaluso kuwa isaga ka soo horjeeda.

Farmaajo wuxuu ogyahay inuusan ku guuleysan doonin doorashada, sidaa darteed wuxuu doonayaa inuu burburiya Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa wacad ku maray in caddaaladda la marsiindoono Qof kasta ee kamid ah Kooxaha Argagixisada ama gacan ku siiya falalka arxandarada ah ee lagu leynayo dadka shacabka ah .

Alshabab ayaa ku xoogeysatay inta uu xukunka hayay farmajo asiga oo malaayiin dollar siiya si ay ugu qabtaan danihiisa ayna ka hortagaan siyaasiyiinta ka soo harjeeda iyo inay fuliyaan qaraxyo sida uu ugu adegsaday inay qaarijiyaan Wasiirka Amniga Puntland iyo taliyaha ciidamada

Post a Comment

0 Comments