Guddiga Ra'iisul Wasaaraha oo ku dhawaaqayaa natiijooyinkiisa oo aan dhameestirneen maanta



 A C -WARAR

Sida aan xogta ku helnay xubnaha guddiyada doorashada iyo guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashada ee laga saaray liiska laga cawday ayaan buuxin shuruudaha lagu xulayay magacaabista Guddiga doorashada iyo xalinta khilaafaadka

Xubnahan baarista kadib laga saaray guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka ayaa u badnaa saraakiil katirsan Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya, shaqaale dowladeed oo qaarkood katirsanaayeen Villa Soomaaliya iyo qaar kamid ah taageerayaasha Farmaajo

Xogaha aan helnay ayaa sheegaya in xubnaha ugu badan ee laga saaray guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka in markii hore laga soo qaray taliska Hay’adad Nabad sugida iyo Villa Soomaaliya

Madaxda maamul goboleedyada qaar iyo Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay soo magacaabaan xubnaha bedelaya kuwa hada liiska laga saaray ee horey looga gudbiyay cabashada

Midowga Musharaxiinta ayaa Ra’isul Wasaare Rooble u gudbiyay liiska 67-xubnood oo katirsan guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka kuwaa oo musharaxiinta sheegeen in ay yihiin Nabad sugid, shaqaale dowladeed iyo taageerayaasha Farmaajo

golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha  waxaan ka cudsaneeynaa  inay ku cadaadiyaan ka saarida 67 magac ee ay u gudbiyeen guddiga MohamedHRoble u magacaabey dabgalka

wayo waxa aan rabnaa hadaanu nahay shacabka somaliyeed in aan helno doorasho xalaal ah

si aanu dalka u galin foodo  liiska dheer ay gudbiyeen kaliya laga saaray 34-xubnood ayna wali guddiyada dooarshada iyo xalinta khilaafadaka katirsan yihiin xubno kale oo badan ay cabasho ka gudbiyeen

Hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed kama duwana habkii loo magacaabay. Xukuumadda iyadaa guddiyada soo magacaawday, iyadaa go’aansatay iney faafiso magacyada xubnaha tabashada laga qabo, caddeymaha iyada uunbaa heshay ama soo waysay

Ma jirto talo laga geliyey cidii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horreeyaan Midowga Murashaxiinta. Mana cadda hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha".

Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa (Undercover) ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan. Waxaan ka codsanaynaa Raysalwasaaraha in uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah oo daahfuran, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh, si ay doorashadu u noqoto mid la isla ogolyahay



Post a Comment

0 Comments