HAWEEN WAA TODDOBA ( 7 ).


 A C-WARAR

Nin Oday ah, isla markaana Waaya Aragnimo u leh Dabeecadaha Bulshada, Xagga Dhaqankana looga Dambeeyay, ayaa wuxuu Cashar la Xiriira Haweenka u gudbiyey Wiilkiisa oo markaas Guurdoon ahaa.

Odayga ayaa wuxuu ku yiri Wiilkiisa:- Maandhow, inta aadan Guursan, bal marka hore si fiican isaga eeg oo Hubso Gabadha aad la Aqal galeysid, Ogowna iney Haweenku u kala baxaan Toddoba nooc, kuwaasi oo kala ah:-

1- IL DHEER:- Waa Gabadha Indhaha un Wareejiso oo la raacda wixii Cusub ee dhar, Alaab Guri iyo Qalab lagu Xarragooda iwm, ee Suuqa ku soo Kordha ama ku Aragto Gabdhaha kale, dabadeedna ku Qasabta Ninkeeda soo iibinta waxaas Cusub.

2- DHEG DHEER:- Waa tan Reerkeeda ku Burburisa, Ninkeedana ku Colaadisaa waxa ay soo Maqashay oo keliya, oo aan Hubsan Xaqiiqada.

3- CARAB DHEER:- Waa midda Qeylo joogto ula hor taagan Deriskeeda, Ninkeeda iyo Dhamaan Dadka yar iyo weyn ee aan midna ka baxsanaynin.

Ninkeeda waxey ku Gaaddaa Gogosha iyo Xilliyada Nasashada, dabadeedna waxey ku furtaa Dood iyo Dacwad aan Dhamaaneyn. Waxay macallimad ku Tahay Af-lagaaddada iyo jaa’ifeynta.

4- GACAN DHEER:- Waa tan Dagaalka u taagan, oo had iyo goor Dhexda u xiran tahay, Wejigeedana waxaa ka Muuqdo Garaafooyin (Dhaawacyo).

mar kastana waxey taagan tahay Xafiisyada Dacwooyinka Dadweynaha iyo Saldhigyada Booliska waana laga wada yaqaan.

5- LUG DHEER:- Waa tan Wareega badan ee aan laga heleynin Gurigeeda, Markuu Ninkeeda yimaado Guriga waxaa ka soo Hor yimaado Quful weyn, mar kasta waxey ku Mashquulsan tahay Aroos tagoow, Qaraabo Salaan, Abaay abaay iwm.

6- JOOG DHEER:- Waa mid Qurux badan, oo Dhammeystiran, isla markaasina leh Joog iyo Jamaal, Ragguma ay isha la wada Raacaan, laakin markii la tago Gurigeeda, waxaa lala kulmaa Dhiiqo, Dhusuq iyo Qashin is dhexyaala.

7- GARAAD DHEER:- Waa Marwo Dumar, Waa tan ugu Qiimaha badan Haweenka, laga yaabo ineyan Muuqaal ahaan Qurux badneen amaba iska Foolxun, laakiinse waxey leedahay Quruxda Qarsoon sida:- Akhlaaqda, Xishoodka, Dulqaad Qadarinta Dadka Mudan Weeye .

-Gabadheey 7 Mid baad Tahayee Midkeed Tahay ...?

-Hadaad Ka Heshay Gaarsii Saaxiibada Kale..


Post a Comment

0 Comments