Hogaamiyaasha daacada u ah Farmaajo oo hortaagan shirka Muqdisho

 


A C -WARAR

Shirka ka socda Muqdisho ee Arimaha Doorashada,  Waxaa kazoo baxaya  Warar dheeraad ah oo la Xidhiidha  inuu socdo isku day lagu yareynayo tirada ergooyinka soo dooranaya xildhibaanada goolaha shacabka ee Soomaaliya.

Qaar  ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa doonaya in ergooyinka lagu soo koobo 51, halka ay hadda ka yihiin 101, sida ku qoran heshiiskii laga gaaray doorashada ee la saxiixay 27-kii May. “

Madax goboleedyada qaar ayaa ku doodaya in maaliyad ahaan, iyo farsamo ahaan intaba ay ku adag tahay in halkii xildhibaanba ay soo doortaan 101 ergo, taasi oo ka dhigan kumanaan ergo,

Qodobkan ayaa u muuqda mid ay wataan madaxda maamul goboleed ee raacsan farmaajo marka loo eego qodobadii kale ee shirka la horkeenay oo mid ka mid ah durbaba la diiday, kaasi oo la xiriiray deegaan doorashada.

Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa diiday isku day ay laftagreen iyo Cali Guudlaawe iyo qoor qoor ku doonayeen in wax looga beddelo deegaan doorashooyinka lagu heshiiyey in doorashada ay ka dhacdo, oo ah laba magaalo halkii maamul goboleedba, iyo magaalada Muqdisho oo ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada Waqooyi iyo Banaadiriga.

Si kastaba arrintan waxaa ka horyimid Rooble, oo sheegay in isbeddel cusub oo lagu sameeyo heshiiska doorashada uu horseedi karo qalalaase siyaasadeed oo cusub, Raiisel wasaaraha waxaa looga fadhiyaa in uu ka soo boxo shirka natiijooyin damaanad qaadaya doorasho xalaal ah in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto iyadoo la raacayo heshiiskii Muqdisho

Post a Comment

0 Comments