Ma Abootaa kuu sheegtay, mise isaga?=Faallo=

 


A C-WARAR

Markii Isticmaarku ey yimideen Afrika, Gumeysiga Dalka iyo Fidinta Diinta Masiixiyadda, waxaa dhinac socday. Gumeeysi Maskaxeed oo ah in ilmaha yar yar isguulada ama Fadhiyada qaar lagu baro, Taariikhda Reer galbeedka iyo in loo sheego in iyagu eynan Taariikh leheeyn. ( F.S: 1aad)

Casharkaa ayaa Caruurtii loogu sheekeeyay oo awoowa yaal ah maanta, waxey u soo gudbiyeen kuwa ey awoowayaal u yihiin maanta.

iska jirhee, haddii Taariikh malihid uu kuu sheego Professor Reer Galbeed ah ama Ajnabi kale. haka aaminin, weeydii Ayeeydaa iyadaa kuu sheegee Taariikh run ah in aad leedahay. ha yareeysan Aqoonta Ayeeyo. kadibna wajiga ka shumi Abooto Runleey ( F.S: 2aad).

Ha aaminin Qofkii ku yiraa Taariikh ma lihid ee tan Awoowgeey aan ku baro, Xattaa Qofkaasi haduu yahay Afrikaan kale ama Somali. waa Aragti isticmaari ah in hal wadan Dad ku wada nool la yiraa Dadka qaar taariikh ma lihidiin, ee iskuulada ku Barta tan awoowgeey oo laga yaabo in ey tahay Been la buunbuuniyay ee Dhowr jeer lagu celcelyay.

Taariikhdeena dhabta ah aan wada barano. Dalka Somaliya kama jiro deegaan aan leheeyn Taariikh Halgan Gobanimo doon,Taariikh Daqan, Diin fidin, Cilmi, Suugaan, iwm.

Taariikh malihid macnaheedu waa Dad ma tihid.

Post a Comment

0 Comments