Ra’iisal wasaare Rooble oo ka guddoomay Murashaxiinta liiska xubnaha ay cabashada ee ka qabaan


 A C-WARAR

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta xafiiskiisa kula kulmay xubno matalayay Midowga Musharraxiinta oo kala ah Madaxweyneyaashii hore Sheikh Shariif Sheikh Axmed, Xasan Sheikh Maxamuud iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Murashaxiinta ayaa waxa Raiisal wasaare Rooble uu ka guddoomay liiska xubnaha ay cabashada ka qabaan ee ku jira guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo dowlad-goboleed.

Si aan leex leexad laheyn ayey Xasan,shariif iyo Guuleed Oo wakiil ka ahaa Murashaxiinta ayaa dalbaday in Guddiga laga saaro xubnaha cabashada laga qabo.

Xubnahan ayaa ah kuwa lagu soo eedeeyay inay yihiin shaqaalaha dowladda, wakiilo ka tirsan hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA iyo taageerayaasha dowladda ee baraha bulshada ka aflagaadeeya siyaasiyiinta.

Rooble ayaa maraya mid kamid ah tijaabooyinkii ugu adkaa ee lagu ogaan doono inuu dhex dhexaad ka yahay doorashada Soomaaliya oo ay ka go’an tahay inuu fuliyo heshiiskii Muqdisho lagu saxiixay 27 Bishan, iyo inuu weli ka amar qaato madaxtooyada.

Afhayeenka Xukuumada Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in isla galabta Ra’iisal wasaare uu liiska Magacyada ku wareejiyey guddigii shalay uu magacaabay.

Warar ayaa sheegaya in Rooble la ogeyn sida uu kaga gudbi karo tijaabadii udambeysay xilli xubno aad ugu dhawaa Farmaajo wajahayaan in liiska laga rabo.

mucaaradka ayaa Doorkooda isku dayaya inay dalka ka dhacdo doorashooyin hufan oo xalaal ahdhamaan shacabka somaliyeed waa in ay garab istaagaan si dalka uu san dib ugu laaban 1991 M_Farmaajo iyo kooxdiisa marabaan in ay somaliya heer sare gaarto

Shacabku uma ogolaan doonaan Farmaajo inuu xukunka sii wado oo uu carqaladeeyo qabsoomida doorasho xalaal ah.

 

Post a Comment

0 Comments