Rooble uu ku baaqayaa kulan looga hadlayo doorashooyinka Sabtida soo socota



 A C-WARAR

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa ku casuumay madaxda dowlad goboleedyada shirka Golaha Wadatashiga Qaranka shir Sabtida ka dhacaya Muqdisho.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in shirkaas la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Go’aankan ayaa ka soo baxay wadahadal xalay qadka Zoom-ka ku dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xussen Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha uu magacaabo Guddiga dib u heshiisiinta Heerka Wasiir ee afarta Dowlad Goboleed oo aan ku jirin Jubbaland, kuwaasoo Garbahaarey u tagaya xalinta arrinta Gedo, talaabadan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii dhexmaray Rooble iyo madax goboleedyad

Faragelinta Farmaajo ee magacaabista xubnaha guddiyada doorashooyinka ee gobollada isaga taabacsan taageerida dhaqdhaqaaqyada alshabaab si ay amniga dalka ay u qalqal geliyaan si loo dhaho doorasho lama qaban karo amniga dalka oo xun awgeed iyo

dalabaadka mucaaradka ee la xiriira howlaha doorashada oo aan waxba laga qaban si ay markale la isku soo noqdo heshiiskale farmaajo ma doonayo in wax laga qabto ama doorasho la qabto 

Dadka Soomaaliyeed waxay ka dalbayaan bulshada caalamka inay sii wadaan taageerida dadaallada caalamiga ah ee ku aadan qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Post a Comment

0 Comments