R/wasaare Rooble oo saaray liiska guddiyada doorashooyinka



 A C-WARAR

Rooble oo soo saaray liiska guddiyada doorasho ee heer Federal iyo heer maamul Goboleed, Aqri

Labada guddi ee heer Federaal waxaa kamid noqday xubno katirsan hay’adda Nabad Sugida Qaranka ee [NISA] iyo shaqaalaha rayidka taasoo baal-marsan shuruucda dalka islamarkaana dhaawacaysa kalsoonida lagu qabi karo inay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah 2020-2021 kaas oo dhalin karta buuq iyo is qabqabsi kale oo sababa dagaal sokeeye kaasoo sababa barakac iyo gaajo kale

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Guddiga heer Wasiir ee uu u xilsaaray xaqiijinta ergooyinka waxa ay sameeyeen dadaal aad u badan si loo dhageysto cabashooyinka tixgalinta mudan ee la xiriiray xubnaha guddiga.

Iyada oo la tixgalinayo Halbeegga la dajiyay Hishiiskii 17ka September ee sifooyinka looga baahan yahay qof ka mid noqonaya Guddiyada Doorashooyinka ,waxa marka ugu horreysay liiska laga saaray 34 xubnood oo ka mid ahaa 67da xubnood oo cabasho laga keenay . Waxa lagu celiyay dhinacyadii ay markii hore ka yimaadeen si loo soo badalo xubnahaas ,

muddo kadib dhamaan Dowlad Goboleedyada iyo Somaliland waa ay soo gudbiyeen liisaskii wax ka badalka lagu soo sameeyay ,si kala hufid hor leh xubnihii la soo badalay waxa laga helay 6 xubnood oo aan buuxin shuruudaha looga baahan yahay xubnaha guddiga,tani ayaa waxa ay ka dhigeysaa liiska laga saaray guddiyada 40 xubnood.

Xubnaha shaley la magacaabay ee Guddiga Doorashooyinka heer Federal waxaa kujirta Caasho Abuukar Qasim oo ah la taliyaha Farmaajo ee arrimaha Bulshada.

joogitaanka xubno aad u tiro badan oo ka tirsan guddiyada kuwo daacadda u ah M_Farmaajo waxa ay dalka u horseedi qalqal

Raiiselwasaaraha MohamedHRoble masuuliyada xulida gudiyada iyo gudiga xalinta khilaafaadka wixii dhibaato kayimaado isaga ayeey dusha ka saarantahay waxaa ka booxo gudiyada xubno katirsan NISA iyo saraakiil daacad u ah farmaajo iyo fahad yasiin






Post a Comment

0 Comments