R/WRooble oo magacaabay guddi cusub oo soo dedejiya doorashooyinka



A C-WARAR

Rooble ayaa magacaabay guddi farsamo oo ka kooban illaa 7 xubnood, kuwaas oo ka shaqeyn doono arrimaha doorashooyinka ee dhowaan ka dhacaya dalka

Guddiga cusub ayaa waxa uu ka shaqeyn doona isku xirka dhammaan howlaha doorashooyinka ee hay’adaha ku shaqada leh, gaar ahaan Beesha Caalamka, Golaha Wadatashiga Qaran iyo Guddiyada kale ee doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed

Todobo xubnood ee la magacaabay sidoo kale labo ka mid ah waa gabdho halka shanta kale ay yihiin rag, kuwaas oo kala ah

1-Abdkadir Elmi Ali.
2-Avv Omar Mohamed Abdulle.
3-Fatumo Abdi Ali.
4-Mohamoud Mohamed Roble.
5-Laila Abdikarin Mohamed.
6-Liban Rabile Good.
7-Abdulahi Hashi Hussein

Dhinacakale Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhoweeyay shaqada hordhaca ah oo ay qabteen Guddiga xaqiiqo raadinta ah ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ee loo xil saaray kala

shaandheynta xubnaha dacwada laga keenay ee guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed si looga saaro xubnaha shaqaalaha rayidka, saraakiisha ciidanka iyo xubnaha kale ee Khilaafka uu ka taagnaa

Midowga Musharaxiinta ay soo jeediyeen si shaqada guddiga xaqiiq raadinta ay u noqoto mid keenta xal mira dhal oo dhaqan gala, wuxuu Golaha dalbaday in guddiga si daah furan oo madax bannaan u soo bandhigo habraaca iyo hannaanka loo maray kala shaandheynta xubnaha guddiyada doorashada

Sidoo kale Midowga Musharaxiinta ayaa dalbaday in magacaabista xubnaha cusub ee guddiyada doorashada ay noqdaan kuwo loo maray habraac iyo hannaan daah furan oo ku saleysan habraacyadii iyo heshiisyada doorashooyinka, si looga hortago in mar kale ay guddiyada doorashada ka mid noqdaan xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka ee dowladda, ciidamada iyo xubno taageerayaal u ah shaqsiyaad gaar ah.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa noqday qofka kaliya ee ka soo hor jeestay kala shaandeyntii ay sameysay xukuumadda Soomaaliya kuwaa oo 34 xubnood ay kaga saartay guddiyadii doorashooyinka

Xildhibaano katirsan Midowga Musharaxiinta iyo musharaxiin dhowr ah ayaa islamarkaasna soo dhaweeyay tallabada ay qaadeen guddiga farsamada doorashooyinka

Soomaaliya ayaa haatan galeysa doorasho isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha, taas oo laga gaaray heshiis, kadib kulamo siyaasadeed oo uu garwadeen ka ahaa Maxamed Xuseen Rooble oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Post a Comment

0 Comments