Saddexda dowlad goboleed oo farmaajo daacad u ah aan soo gudbin Guddiga ku matalaya doorashada



 A C-WARAR

madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa ugu horeyn soo gudbiyay magacyada musharixiintooda taasi oo muujineysa sida ay u doonayaan in doorasho la qabto halka aysan wali soo gudbin madaxada qaswade M_Farmaajo ay is ku fikrada yihiin

madaxda daacada ah ayaa iskudayaysa inay qarxiyaan hanaanka doorashada ee lagu heshiiyay Heshiiskii Muqdisho.

Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa noqday maamuladii u horeeyay ee soo magacaabay xubnihii guddiyada doorashada, maalmo un kadib markii magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiiskii doorashada

Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa noqonaya maamuladii u horeeyay ee soo magacaaba xubnaha guddiyada doorashada, ayada oo ilaa hadda aysna xubnahooda soo gudbin maamulada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

 wararka qaar ay sheegayaan in tani ay tahay isku day la doonayo in lagu dheereeyo waqtiga qabashada doorashada, haddana Caasimada Online ayaa fahamsan in culeys siyaasadeed oo haysta maamulladan dartood ay ugu wacan tahay go’aan qadasho la’aantooda

Saddexda dowlad goboleed ee ilaa hadda aan soo gudbin Guddiga ku matalaya doorashada, ayaa waxaa xusid mudan inay ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee soo magacaabay Guddiyadii muranka ka dhashay kaddib saxiixi 17-ka September 2020-ka.

Kaligii taliye Farmaajo ayaa weli isku dayaya inuu xubno ku dhex yeesho guddiyada ka imanaya maamulladan, halka sidoo kale Midowga Musharaxiinta oo hadda sidii hore ugu dhow 

madaxda HirShabelle iyo Galmudug ay iyagana loolan ugu jiraan inay wax ka helaan xubnaha guddiyada doorasho. Waxaa sidoo kale faro-gelinta aan ka marneyn xildhibaano miisaan culus oo loolan ugu jira dib usoo laabasho


Post a Comment

0 Comments