Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo R/WRooble u gudbiyey cabasho

 


A C -WARAR

Wararka  ka imaanaayo magaalada muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u gudbiyeen cabasho ay ka qabaan sida ay baarista u sameeyeen guddigii heerka wasiir ee loo saaray kala saarista xubnaha guddiga doorashooyinka ee cabashada laga qabo.

Hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed kama duwana habkii loo magacaabay. Xukuumadda iyadaa guddiyada soo magacaawday, iyadaa go’aansatay iney faafiso magacyada xubnaha tabashada laga qabo, caddeymaha iyada uunbaa heshay ama soo waysay.

Ma jirto talo laga geliyey cidii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horreeyaan Midowga Murashaxiinta. Mana cadda hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha.

Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa (Undercover) ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan. Waxaan ka codsanaynaa Raysalwasaaraha in uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah oo daahfuran, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh, si ay doorashadu u noqoto mid la isla ogolyahay.

Shaacinta liiska ayaa loo arkaa qorshe looga hortagayo in gadaal laga faro-geliyo liiska, ayada oo la tuhmayo inay ka dambeyso Villa Somalia, si mucaaradka looga dhigo kuwa cabasho joogto ah wada.

Turxaan bixinta tabashada Guddiga doorashooyinka waa in ay martaa habraac hufan, daahfuran, dhexdhexaad ah si loo gaaro natiijo doorasho oo lagu wada qanacsan yahay. Hadafkeenu afartii sanno ee tagtay wuxuu ahaa in aan dalka majarihiisa iyo hannaankiisa dimuqoraadiyad la weecin. Wixii aan Farmaajo ka diidnay, Rooble ka yeeli mayno.

Siyaasaddu waa maareynta maan, maslaxad iyo muruq is diiddan oo lagu mideeyo hadaf iyo hiigsi qaran. Waa aragti cad, mabda' sugan iyo mowqif aan isbeddelin. Waa talo wadaag, tanaasul iyo tabarguur. Waxay u baahan tahay tagtadii oo laga talo qaato, taaganta oo tognaan lagula falgalo iyo timaaddada oo loo toog hayo.

Post a Comment

0 Comments