Warbaahinta caalamka qaarkood iyo baraha bulshada ayaa si weyn loogu
baahiyay horaantii bishan war ku saabsanaa in haweeney u dhalatay dalka Koonfur
Afrika ay dhashay 10-cunug oo mataano ah .
Gosiame Sithole, ayaa 7-dii bishii June ee sanadkan la sheegay in ay
dhashay 10-cunug oo mataano ah, waxaana warkan markii ugu horeesay
daabacay warbaahin kasoo baxday magaalada Pritoria ee caasimada dalka Koonfur
Afrika.
Warkan ku saabsan haweeneydan dhashay 10-ka cunug ayaana hadal heyn badan
ka abuuray gudaha dalka Koonfur Afrika, waxa ayna dadka qaar ku tilmaameen
warkaasi mid aan xaqiiqo aheyn oo u baahan baaritaan.
Dowlada Koonfur Afrika ayaa lagu soo waramayaa in baaritaan ku sameeneyso
warkan ku saabsan haweeneydan dhashay 10-ka caruur, waxa ayna dowlada dooneysa
in laga sal gaaro jiritaanka warkan in uu xaqiiq yahay iyo in kale.
Wasiirka arrimaha bulshada dalka Koonfur Afrika Lindiwe Zulu, ayaa sheegtay
in arintan la baahiyay dadka layaab ku noqotay, waxa ayna xustay in muhiim
tahay in arintan la baaro si xaqiiqada loo ogaado.
Lindiwe Zulu, ayaa ka gaabsatay in ay xaqiijiso jiritaanka hooyadan dhashay
10-ka cunug ama ay beeniso, waxa ayna cadeesay kaliya in arintan baaritaan lagu
sameenayo si loo ogaado xaqiiqada jirta.
Sheekada haweeneydan dhashay 10-ka cunug ayaana si weyn u qabsatay
caalamka, waxaana dadka qaarkood layaab ku noqotay arintan halka dadka qaarna
tilmaameen wax suurto gal ah maadaama maalmo kasii hor hooyo kale dalka Moroko
u dhashay 9-cunug.
0 Comments