Xasan Sheekh Maxamuud oo kabad baadey shirqool uu u dhigay farmaajo markii 3xaad

 


A C-WARAR

XassanSheekh mohamud ayaa ku sii jeeday kulan dib u heshiisiin markii maleeshiyooyinkii ku labisnaa dareeska booliska ay ku dhegeen kolonyadiisii

Xogta Rasmiga ah ee Weerarka Hassan Sheikh Mohamud .Waxaa Lagu risaaseeyay Wadada Malaayga Ee Degmada Xamarweyne islamarkaana Hormarta Wasaaradda Cadaaladda, Maxkamadaha Dalka iyo Xabsiga dhaxe.

Ka Hor risaasta waxaa Bir Lagu jaray wadada markii La arkay gaadiidka Madaxweynaha ka dibna waxaa xigay risaas Lagu furay Gaadiidka galbinaayay Xasan Sheekh Maxamuud.

Risaasta ka dib Gaadiidkii Xasan Sheekh weday ayaa dib uga laabtay Wadada waxayna aadeen Hooyga Xasan Sheikh Maxamuud ee Mirinaayada

Waxaan idinla wadaageynaa Sooyaalka Shirqoollada Dil ee uu Ka Badbaaday ex Madaxweyne Xasan Sheekh.

February 19, 2021: Madaxweyne Xasan iyo mas’uulkii kursiga uga horeeyey ee Sheekh Shariif ayey ciidamo dowladda ah ku weerareen hotelka Maa’ida oo u Daljirka Dahsoon, labaduba waa badbaadeen!

April 25, 2021: Ciidamo isla dowladda ah, waxaa ay weerar loo adeegsaday hub culus ku qaadeen hoyga Madaxweyne Xasan Sheekh ee Marinaayo ee degmada Cabdicaziz, hadalka uu ka yiri Madaxweyne Xasan ayaa ahaa “Waxaa nasiib darro weyn ah in ciidan ka amar qaata Madaxweynihii hore ay weerar ku soo qaadaan hoygeyga”, markii badbaaday, waa uu cafiyey!!

shaley, June 2, 2021: Ciidamo ku sugnaa agagaarka maxkmadda gobolka Banaadir ayaa xabado huwiyey gaadiidka madaxweyne Xadan Sheekh, kama jawaabin.

Wareysi bilo ka hor Xasan Sheekh bixiyey waxa uu ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo in dhowr jeer uu isku day dil abaabulay balse fashilmeen.

Waxaa xusid mudan in goobta lagu rasaaseeyay madaxweyne Xasan Sheekh kal hore lagu rasaaseeyay kolonyo la socday Imaam Maxamed Yuusuf, midaasi oo uu hore raali-gelin uga bixiyey ra’iisal wasaaraha. Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka oo ku aadan dhacdadaan.

Post a Comment

0 Comments