Qorshaha khaarijinta Ikraan Tahliil waxa soo maleegay Fahad Yaasiin iyo
Kulane Jiis, fulintiisana waxaa u xilsaarnaa Yaasiin Farey!
Xog rasmi ah oo aan ka helay saraakiil sarsare oo ka tirsan Hay’adda Nabad
Sugidda in muddo ahna aan dabo socday xaqiijinteeda waxay sheegaysaa in mar
hore la dejiyay qorshaha lagu khaarijinayo Ikraan Tahliil. Ikraan oo dalka ka
maqneed markii shirqoolka loo maleegay ayaa lagu qarash gareeyay boqolaal kun
oo dollar iyo balanqaadyo been ah si dalka dib loogu soo celiyo loona
khaarijiyo!
Ikraan markii dalka ay ku soo laabatay isla markiiba waxaa la xaddiday
dhaqdhaqaaqeeda, waxaana loo xilsaaray dabaggalka iyo la socodka Ikraan
Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Yaasiin Farey. Wuxuuna ahaa qofkii ugu
dambeeyay ee Ikraan ay wada hadleen kahor inta uusan go’in xiriirkeeda!
Qorshaha khaarijinta Ikraan oo markii hore la rabay in la qariyo ayaa
markii qoyskeeda qaylodhaantu ka soo yeertay Fahad Yaasiin isku dayay in uu
Alshabaab lacag ku siiyo si ay u sheegtaan dilka Ikraan Tahliil lkn waa guul
dareystay isku daygaas kadib markii ay soo farageliyeen sida la sheegay
saraakiil sarsare oo Alshabaab ka tirsan qaraabo dhawna ay yihiin Ikraan.
Sababta Ikraan in la dilo loo go’aamiyay ayaa la ii sheegay labo arimood oo
aad xasaasi u ah oo ay macluumaad ka heysay, kuwaas ku saabsanaa sidii loo
qorsheeyay dilkii Allaha u naxariistee Eng Yariisow oo xaafiiskiisa ay madax ka
ahayd iyo arimo waaweyn oo Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis ku lug leeyihiin!
Ehelada Ikraan waxaan kula talinayaa in ay qabsadaan Qareeno dabogal iyo
baaritaan ku soo sameeya shirqoolka Ikraan si looga gungaaro fal dambiyeedka
dhacay, loona cadeeyo cida ka mas’uulka ah!
Dalku maanta hal caqabad ayuu leeyahay, waxayna ka imaaneysaa caqabadaasi
madaxweynaha iyo qolada la shaqeysa oo ay ka mid yihiin taliyaha NISA Fahad
Yaasiin, ku xigeenkiisii Kullane Jiis iyo Taliyaha NISA ee gobolka Yaasiin
Farey, ragaas oo dhan waxay caqabad ku yihiin hiigsiga umadda Soomaaliyeed iyo
doorashada hadda dalku galay, waan soo dhaweynaynaa in caqabadahaas qaar inuu
Rooble wax ka qabtay, laakiin faro kama qodna ayaan leenahay
0 Comments