Bini Aadamka waa sidii biyaha oo kale.

 


A C-WARAR

Biyaha haddii aad baraf ku dhex ridid waxay noqonayaan qaboow, haddii aad dab saartidna waxay noqonayaan kuleyl aad ku guban kartid xataa.

Marka inta aadan qof ku qabsan inuu dabeecad kulul yahay, fadlan hubi bal adiga inaad qofkaasi gubtay iyo inuu qof caadi isaga karkarsan uu ahaa.

Waayo mararka qaar waxaa dhici karta, qof aad u dabeecad qaboow xataa in adiga dhankaaga uu mid kulul ka noqdo, sababtuna uusan asiga ahayn, balse adiga aad noqon kartid iyo qaabka aad qofkaasi ula dhaqanatayba.

Waxa ugu horeeya ee qofka kicin kara ama qaboojin karana waa hadalka.

Fadlan marwalba hadalkaaga ka fiirso, erayada aad dhahaysid, codka aad ku dheheysid iyo qaabka aad u dheheysidba.

Waa cashir yar oo degan oo uu Awoowe Kadiye jecleystay inuu idin la wadaago.

subax wanaagsan dhamaantiin

Post a Comment

0 Comments