codsi ku socdo shirkadaha waaween ee dalka ka jiro

 


A C-WARAR

Dahabshiil, Hormuud iyo shirkadaha kale ee waaweyn iyo kuwa xawaaladaha leh waxaan ka codsan lahaa, inay noo sameeyaan adeeg lacago isugu gudbin Online ah oo Adduunka dhanna ah, kaasoo si shaqsiyeed ama si ganacsiba loo isticmaali karo, sida tusaale ahaan adeegga PayPal oo kale.

Sababtuna waxay tahay Soomaalida Internetka isticmaasho aad ayay usoo bateen, aad ayay isugu xiran yihiin meel walbay adduunka ka kala joogaan, waana dad ganacsi yaqaan ah.

Arrintaas ah in "Payment gateway" ama meello lacagaha la isugu diro oo Online ah inay dadka helaan, waxay ka saacidi lahayd Soomaalida inay Dukaamo iyo Suuqyo badan oo Online ah furtaan, tusaale qof Jarmalka jooga inuu Dukaan Soomaali ah oo Kanada ku yaallo wax ka gato, lacagtana u mariyo wadadaas, sidaasna uu alaabtiisa ku helo.

Hadda PayPal iwm ayaa jira, balse Soomaalida waa dad badanaa dhexdooda inay wax ku koobnaadaan jecel, sidaa daraadeed ayay arrintaan mid horay ka socoto xataa u noqon lahayd, ganacsiga Soomaaliyeed ee Onlineka ahna waji cusub u furi lahayd, shaqo abuur badanna sameyn lahayd.

Shirkadaha Soomaalida waa inay ku fikiraan dadka Dunida ugu lacagta badan intooda ugu badan waa dad Shirkado Teknoolajiyad ah leh, oo xataa qaarkood ay tobaneeyo ama labaatameeyo sano kahor wax badanba heysan.

Marka codsigaas shirkadaha hanoo tixgeliyaan, reer magaal dunida la jaanqaadana ha noqdaan.

Tag gareeya maamulayaasha ama dadka aad shirkadahaas ka taqaanaan, si ay fariinta u gaarto.

Post a Comment

0 Comments