DF oo gacanta ku dhigtey doorashooyinka HirShabellle


A C -WARAR

Guudlaawe oo xildhibaanada Hiiraan u sheegay inuusan wax ka qaban karin qorshaha Villa Somalia "

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiin reer Hiiraan ah oo uu qeyb ka yahay taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe, 

ayaa habeen hore Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha HirShabellle Cali Guudlaawe.

Xildhibaanadaan iyo siyaasiinta oo dhamaantood u dhashay beesha Xawaadle ayaa Guudlaawe ka dalbaday in uu is hortaago in guddoomiyaha guddiga 

maamulaya doorashada baarlamaanka Soomaaliya ee ka imaanaya dhinaca HirShabelle aan laga dhigin Axmed Xasan Diini, kaasoo isla maanta la doortay.

Diini oo maanta loo doortay guddoomiyaha guddigaas ayay Xildhibaanadaan ku eedeeyeen in uu ugu hanjabay in dhamaan Xildhibaanada Xawaadle kaliya uu ka soo laaban doono Nuur Iidow Beyle, 

halka inta kalane uu ku dadaali doono inaysan soo bixin, isagoo sababta ugu sheegay in uu amarkaas ka soo baxay Villa Somalia.

Cali Guudlaawe ayaa mas’uuliyiintii uu la kulmay u sheegay in Diini ay wadato Villa Somalia islamarkaana uusan waxba ka qaban karin.

Farmaajo wuxuu adeegsaday odayaal beeleed isaga daacad u ah si uu u joojiyo doorashada ka dhacday gobolka farmaajo wuxu ogyahay ahmiyada codadka gobolka ay u leeyihiin go'aaminta masiirkiisa doorashooyinka 

sidaa darteedna wuxuu sii wadaa isku daygiisa uu ku xakameynayo rw rooble oo mas'uul ka ah doorashooyinka waa inuu xalliyaa xiisadda ka dhalatay carqaladeenta farmajo uu ku wado doorashooyinka 

Sidoo kale siyaasiintaan ayaa sheegay in Cali Guudlaawe oo isu dhiibay madaxtooyada Soomaaliya islamarkaana loo gaaro go’aanada siyaasadeed ee degaankiisa ama mida guud ee dalka. HirShabelle 

gaar ahaan magaalada Beladweyne ayaa kamid ah magaalooyinka ay ka dhici doonto doorashada ugu adag ee baarlamaanka Soomaaliya.

Dib u dhigista qabashada doorashada ma ahan wax dan u ah shacabka Soomaaliyeed waxayna sii muujin doontaa dhibaatada dhaqaale ee soo wajihi doonto dalkeena hadii uu sii joogo 

farmajo maamulka HirShabelle ayaa aad loo saadaalinaya inay kasoo bixi doonaan xildhibaano aad u taabacsan Villa Somalia sababtuna ay tahay in maamulkaas uu si buuxda gacanta ugu jiro madaxtooyada somaliya

 

Post a Comment

0 Comments