Wasiirka Maaliyada Dawlada Federaalka Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle
ayaa ka hadlay fal celinta ka timid hadal uu dhawaan sheegay oo ahaa
Lacagihii kabka ee dunida sannadkii hore ayaa nalaga joojiyey, xoogaa
Sucuudiga iyo Qadar na siiyeen ayaan mushaharka ku bixinaynay iyagiina
dhammaade, hadda waxaan taagannahay sagxadda, waa in Soomaalidu iskutashato oo
dalkan yeelato
Wasiirka ayaa arrintan u sababeeyey, xilliga kala guurka ah ee haatan lagu
jiro, wuxuuna tilmaamay in mar-walbo oo ay lix bilood ka harsan tahay
doorashada la gooyo dhaqaalaha.
waxa ay Su’aasha kataagan tahay ah sidee loo maalgeliyaa doorashooyinka
sida ku cad heshiiskii dhawaan dhacay iyadoo la tixraacayo dhaqaale la’aan soo
food saartay dowladda Dawladdu waa inay xal u raadisaa dhaqaalah doorashooyinka
Dawladdu waa inay xal u raadisaa dhaqaalah doorashooyinka oo iyad ay sabab
u eheed jaritaankiisa hadii ay taasi dhiciweysey Soomaaliya waxay ku noolaan
doontaa dhibaato dhab ah ilaa dowlad cusub laga soo doorto.
0 Comments