Farmajo oo bilaabey isku day ah inuu argagax geliyo maamul goboleedyada ka soo horjeedo

 


A C -WARAR

Muqdisho:-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qaraxa lala eegtay baska ay saarnaayeen cayaartooyda Kooxda JCCI, halkaasi oo inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen afar ka mid ah cayaartooyda kooxda.

Qaraxaas ayaawararku xaqiijinaayaan in villa somaliya ay ka danbaysay oo ay ku ciqaabayso Jubaland madaama ay tahay dowlad goboleedkii ugu horeeyay ee doorasho qabta xili aanu farmajo doonayn in somaliya doorasho ka dhacdo

Kaligii taliye Farmajo waxa uu isku dayayaa inuu argagax geliyo maamul goboleedka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah siyaasadiisa guracan, isagoo adeegsanaya argagixisada Alshabab si aysan doorasho dalka uga dhicin.

Farmaajo iyo Al-Shabaab waxaa ka go’an inay beegsadaan qof walba iyagoo si badheedh ah u beegsanaya dadka waxgalka ah sida Dhalinyarada,Aqoonyahanka iyo indhaha bulshada taas oo cadaynaysa inay si guud indhaha uga ridayaan ummada Soomaaliyeed.

Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed waa in ay u midoobaan sidii kooxdan iyo kuwa dabada kariixaayo oo aan uga adkaan lahayn isla markana aan u badbaadin lahayn inta hadhay Bulshadeena.

Dhinaca kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa xalay isbitaalka ku booqday dhalinyarada kale ee ay dhaawacyada ka soo gaareen qaraxaasi, waxaana ay shaaciyeen in kuwa qaba dhaawacyada halista maanta loo soo qaadi doono gudaha magaalada Muqdisho.

Si kastaba weerarkan qaraxa ah ayaa wuxuu kusoo aadayaa, xilli Jubaland ay ka bilaabatay doorashada Soomaaliya, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Post a Comment

0 Comments