Guddigii baaritaanka Askarta Ereteria loo diray oo farmaajo hor istaagey



 A C-WARAR

Xog aan helnay ayaa tilmaameysa in guddigii uu dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u xil saaray baaritaanka dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan dalka Eritrea aysan wali shaqa gelin.

Guddiga ayaa la kulmey culeysyo dhinaca Villa Somalia ah kadib markii lagu wareejin diiday xogta carruurtaas, halka warar kale ay sheegayaan in dowladda Eritrea oo fulineysa codsi ka yimid dhinaca Farmaajo aysan wali aqbalin in guddiga ay shaqa galaan ama wax xiriir ah lasoo sameeyaan

Guddiga ayaa ku suga Muqdisho mana jirto ilaa hadda waalid, mas’uuliyiin ama hay’ado kale oo ay la kulmeen marka laga reebo in qaarkood oo wasiirro ah looga yeeray xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Markii la magacaabay guddigaan waxaa jiray qoraal ay soo saareen mucaaradka, kaas oo ay ku sheegeen in uusan aheyn guddi madax-banaan oo ka warrama xaqiiqda carruurta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas

Waxaa isa soo taraya cadeymaha caamliga ah ee ku aadan in dhallinyaro Soomaaliyeed oo tababar u jooga dalka Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya.

Midowga Musharaxiinta ayaa dhowaan dalbaday in madaxweyne Farmaajo is-casilo, mar dambana aan loo ogolaan inuu xil ka qabto dalka, sababo la xiriira ku takrifal awoodeed iyo sida uu u haligay dhallinyaraas Soomaaliyeed

qaswade M_Farmaajo wuxuu khatar ku noqday Soomaaliya iyo Soomaalida waana in laga takhaluso.

hadaanu nahay Shacabku waa inaan meesha ka saaraan Farmaajo inta aan lagaarin doorashada soo socota.

Farmaajo ayaa ku cadaadiyay guddiga iyo ra’iisul wasaaraha inay joojiyaan shaqadooda kaligiitaliye waa madaxweenaha ugu musuqmaasuq badnaay somaliya soo marah

Farmaajo ayaa ku cadaadiyey gudiga inaysan banaanka soo dhigin beenta uu uhayo shacabka Soomaaliyeed kadib markii uu sheegay inuusan meesha joogin ciidamo Soomaaliyeed.

 

 

Post a Comment

0 Comments