Gudoomiyihii gudigii lagu diiday farmajo oo mar kale la doortay


A C-WARAR

Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) ayaa shaley loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha cusub ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Qaranka ee dhawaan uu soo magacaabay Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble.

Doorashada oo laba wareeg ahayd ayaa waxaa ku tartamayay shan musharax, waxaana wax dooranayay shan iyo labaatanka xubnood ee Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ka kooban yahay. Afar iyo labaatan xubnood ayaa goobta fadhisay, halka xubin ku maqan dalka Ingiriiska uu si toos ah kaga qayb qaadanayay muuqaalka foggaan
 .

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ayaa haatan dooranaya Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka, oo illaa afar xubnood isu soo sharaxeen.

Doorashada Gudoomiye Kuxigeenka waxay haatan si toos ah uga socotaa Xeradii Ciidanka Cirka Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Cirro ayaa horey u soo noqday Gudoomiyaha Guddigii Doorashooyinka, ee ay muranka ka keeneen Golaha Midowga Musharaxiinta, kuwaa oo xubno badan laga bedelay, inkastoo aanu isagu ka mid ahayn xubnihii bishii hore ee June la bedelay.

Cirro oo mar kale isu soo sharaxay xilkaasi ayaa shaley galabti dib loogu doortay

 Cirro ayaa ku guuleystay doorashada Guddoomiyaha Guddiga FIET, isaga oo helay 14 cod, halka Liibaan Maxamed Xasan (liibaan Shuluq) uu helay 10 cod.

Sidoo kale Mowliid Mataan ayaa ku guuleystay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga FIET, kaddib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartamayay.

Xilka gudoomiye waxaa ku tartamaya illaa shan musharax, halka Ku xigeenka ay ku tartamayaan labo Musharax

Guddoomiyaha cusub ee guddiga doorashada heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa lagu tiriyaa inuu si weyn ugu dhow yahay garabka Fahad iyo Farmaajo, inkastoo uu isaga dhowr jeer sheegay inuu si cadaalad ah uga shaqeyn doono doorashooyinka Soomaaliya.

Doorashadii Maxamed Xasan Ciro (madaxii hore ee guddiga) waxay muujineysaa sida uu Farmaajo u maamulo guddiga.Gudoomiyaha guddiga waxaa raacsan oo taageero  Farmaajo.

Tallaabada lagu doortay madaxa guddiga ayaa ah tii ugu horreysay ee uu Farmaajo ku xakameeyo doorashooyinka

Doorashada madaxa guddiga waa in meesha laga saaro himilooyinka dadka Soomaaliyeed ee ku aaddan doorasho xalaal ah.

Guddoomiye

Maxamed Xasan Cirro (Guddoomiyihii hore).

Liibaan Axmed Xasan (Liban shuluq).

Cabdi Xiis Aadan.

C/casiis Yuusuf.

Maxamed Muuse.

Kuxigeen

Mowlid Mataan.

Saciid Abshir.



Post a Comment

0 Comments