Guul ayaana u rajaynaynaa Insha Allah.

 



A C-WARAR

.Qamar Saciid Cabdullaahi waa gabar Soomaali ah oo gobolka Hessen degan, waxay kaalinta koowaad u gashay ardayda Iskoolkeeda Fürst-Johann-Ludwig-Schule dhigata dhan, oo waxay shahaadadeeda dugsiga sare ku qaadatay natiijo ama dhibco sare oo 1,4 ah.

Masha Allah waa natiijo dhabtii aad u heer sareysa, oo ay adag tahay ardayda Jarmalka ah badankood inay keenaan xataa, natiijooyinka noocaasi ah ardayda keenta waa kuwa loo ogolaado inay Jaamacadaha dalkaan Caafimaad, Garsoor iwm ka bartaan.

Qamar waxay doonaysaa inay noqoto Dhaqatarad, Ilaahay ha u fududeeyo arrimaheeda.


Post a Comment

0 Comments