Maxkamad dammaanad ku siidaysay gabadhii Soomaalida ahayd ee saaxiibadeed afduubatay.

 


A C -WARAR

Hafsa Abdi iyo Jackson Njogu, oo loo haysto kiiska afduubka Hasfa Mohammed Luqman ayaa maanta lagu sii daayay dammaanad.

Maxkamadda ayaa amar ku bixisay in labadan eedaysane aysan wax xiriirin ah la samaynin markhaatiyaasha iyo dhibanahaba.

Xafsa Maxamed Luqmaan, oo ah haweeney ganacsato ah oo 23 jir ah, ayaa shaaca ka qaaday in saaxiibteed ay ka mid ahayd dadkii afduubtay.

Waxay sheegtay in Xafsa Cabdi, haweeneyda ay maanta damaanadda ku sii daysay maxkamadda, ay ahayd maskaxdii afduubka ka dambaysay.

Dhowr afduub oo loo geystay gabdho ayaa la soo werinayay dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay.

Waxay ahayd saaxiibtay, in kasta aysan ahayn qof aan aad isugu dhownahay, laakiin iyada ayaa igu hoggaamisay dabinka afduubka. Waxay iga codsatay inaan u raaco Kayole oo ay ku yaallaan dukaankeeda kale, “ayay tiri Xafsa Luqman.

Post a Comment

0 Comments