A C -WARAR
Habeen hore ayay ahayd kolkii la iga codsaday inaan Masjidka xaafadda ka
akhriyo Khudbaddii Jimcaha ee shalay, waan aqbalay oo mawduucii aan ka hadli
lahaa ayaan isku beegbeegay, sidii ayaanan ku seexday habeen hore oo
qorshahaasi iigu diyaarsanaa, waxa se dhacay wax dhammaan qorshahaygii
beddelay.
Abbaaro 11:20 am oo salaaddii Jimce in loo kacaa uun ay hadhay ayaa waxa
ila soo xidhiidhay odayaashii xaafadda, waxa ay iga codsadeen in ay aqalka igu
soo maraan oo arrin Iyo xaalad xaafadda ka taagan ay ila wadaagaan, kulan
kooban kaddib waxa ay ii sheegeen in xaafadda ay ka dhacday mucjiso mar la arag
ah oo u baahan in aan wax ka ogaado, isla jeerkaasna Khudbadda aan kusoo qaato,
wixii ay ii sheegeen waxa uu noqday wax aan akhrisan kari waayay, arrin maskaxdayda
yari la wareertay, qalbigana i gilgishay, waxba yaan hadal idinku daaline aan
idinla wadaago wixii dhacay.
Waxa xaafad aad iigu dhow oo Masjidka xaafaddana la jaar ah ku ummushay
hooyo danyar ah, hooyadaasi waxa ay dhashay laba carruur ah oo mataano ah,
mataanuhu waa qurux iyo ilqabawsi, se xaaladdoodu waa mid u diidday qoyskaas
danyarta ah in ay ku farxaan, labada ubad ah ee dhashay waa kuwo mucjiso ah.
Labada carruur ah waxa ay dhasheen iyaga oo aan lahayn dhanxanagga saqafka u ah
afkeenna, cunta kasta oo afkooda gashaana waxa ay kor ugu baxaysaa dhankaas iyo
maskaxda oo dabool ka celiyaa aanu jirin.
Dhanka kale laba ubad ah waxa ay ku dhasheen xaalad kale oo cajiib ah,
oofka aadamaha ah jidhkiisu waxa uu leeyahay bawdyo u dhaxeeya miskaha iyo
jilbaha, qaddarka Ilaahay labada ubad ah maleh bawdyo, waxana isku dheggan
miskaha iyo jilbaha.
Intaas ka badan sidii aan u dhegaysan kari waayay ayaanan uga sii warrami
karin, waxa se u dheer in Aabbihii ubadkaas dhalay uu ku dhuftay dhawaan
xanuunka Faaligga loo yaqaannaa, Isna waa dhulyaal oo sariirta ay labada
carruur ahi sahran yihiin mid la mid ah ayuu saaran yahay.
Waa danyar oo
qoyskaasi wax ay cunaan iyo wax ay cabbaan ma haystaan, waxa intaas ku sidkan
labada carruur ahi wax aan caano ahayn lama siin karo, usbuucyo kooban oo ay
jireen toddobaad kasta daasad caano ah oo 20$ ah ayaa ku dhammaanaysa, haa
hooyadu caano ay ugu deeqdo ma leh, si ay u noolaadaanna waa qasab in saacad
kasta caanahaas la dul hayaa.
Intaas uun haddii ay tahay ma cuslaateene hoyga ay
ku jiraanna waa kiro, isna waa la dul taagan yahay oo keena ayaa la leeyahay,
wixii ay ku bixin lahaayeenna gacantooda kuma jiro.
Khudbaddii Jimcaha qasab ayay igu noqotay in aan beddelo, dhiirrigelin Iyo
in qoyskaas loo gurmado ayaan ka dhigay, Ilaahay galladdii 1200$ ayaannu u
uruurinnay, masjidka oo kooban oo masaajid xaafadeed ah awgii intaas ayaannu
dhaafin kari waynay. Intani waa dhiig joojin, waxa ay u baahan yihiin nolol,
waxa ay u baahan yihiin caafimaad, waxa ay u baahan yihiin wax ka badan inta
xaafaddu tartay, idinka ayaan idiin daynayaa, qof iyo damiirkii wixii qoyskaas
aad ku daraysaan xog iyo xoolo idam Alle.
Bahda caafimaadka, kuwa Ilaahay wax siiyay, inta weji ay cid ugula
xidhiidhaan leh, ciddii qoyskaas waxtarkooda ka qayb qaadanaysaa way ila soo
xidhiidhi karaan.
0 Comments