Hoggaanka nabad sugidda Soomaaliya ayaa shaqsiyaadka loo dhiibo laga
qiimeeyaa dhinacyo badan oo isugu biyo shubanaya taariikh nololeedkooda.
Sida ay muujinayaal xogaha soo baxay labadii maalin ee la soo dhaafay
lagana arkay inta badan warbaahinta, waxaa taliyaha cusub ee NISA lagu wadaa
inuu Rooble u magacaabo Korneel Cabdullahi Dheere oo hogaanka dabagalka
hey’addan ku magacaawnaa, kaasi oo ay wadato islamarkaana soo jeedisay dowladda
Qatar.
Magaciisa waa Cabdullahi Daahir, oo ku magac dheer Cabdullahi Dheere iyo
Ugaaska Soomaaliyeed,waa 35-sano jir ku dhashay magaalada Jigjiga ee Soomaali
Galbeed, gugii 1986,
Dadka yaqaana waxay tilmaameen in Cabdullahi uu isagoo yar kamid ah
dhalinyaradii dhaq dhaqaaqa Al-itixaad, halkaasi oo uu ka soo bilaabay halganka
wadada uu maanta hayo.
Soomaaliya oo siyaasadda iyo amnigaba saameeyn ku leeyihiin nidaamka 4.5 ee
beelaha ayaa markaan Cabdullahi ka eegno waxaa uu ku heyb yahay oo adeer ugu
beegan madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, halka ay reer abti u yihiin
waqooyi ama dadka ku dhaqan Soomaaliland.
Inkasta oo dadka intiisa badan aqoon u lahayn Korneel Cabdullahi, haddana
waa sarkaal sirdoonka Soomaaliya ka soo mid ahaa 6-dii sano ee la soo dhaafay
illaa sanadkii 2015, waxaana uu qeyb ka yahay xubnaha fara ku tiriska ah ee aad
isu qariya, lagana heynin sawiro badan iskabadaa muuqaal.
Cabdullahi Daahir saraakiisha iyo askarta NISA inta la shaqeysay ee
mas’uuliyiinta dowladda waxaa laga soo xigtay in dabci ahaan uu yahay nin
kaftan badan, aadna u gacan furan, waana sababta la rumeysan yahay inuu
waayahan u hayay waaxda ugu shaqada badan nabad sugidda Soomaaliya ee dabagalka
ah.
Sadexdii sano ee la soo dhaafay, waxaa la sheegay in uu aad ula dagaalamay
Al-shabaab, balse waxaa uu wajahayaan eedeymaha duqeymo badan oo shacan lagu
laayay, waliba dad gaaraya 300 oo qof.
Sidoo kale inuu Cabdullahi yahay nin ad adag, ma naxe ah, aad u fekera,
islamarkaana go’aan adag ayaa qeyb ka ah dabeecadihiisa shaqada.
Dhanka arimaha xiriirkiisa caalamiga ah waxaa la rumeysan yahay inuu yahay
nin leh galaangal badan, la shaqeeyay CIA-da Maraykanka, islamarkaana dhalasho
ka hesyta dalal ay Qatar kamid tahay.
Marka ay soo baxdo magacaabista xogteeda la helay ee Ra’iisal wasaare
Rooble uu NiSA ugu dhiibayo Cabdullahi Dheere, ayay wax badan iska bedeli
doonaan mowjadihii siyaasadda Soomaaliya ee sanadihii danbe, isagoo durba
xulufo cusub lagu waramayo inuu sameystay, qeybna ka ahaa dagaalka lagu saaray
Kulane Jiis, laguna dhabar jebiyay Fahad iyo Farmaajo.
0 Comments