Tallaal Cusub oo loo Helay Cudurka Duumada

 


A C-WARAR

LONDON:-Tijaabada tallaalka cusub ee duumada ayaa natiijadiisa horudhaca ah ay 77% muujineysaa waxtar uu carruurta u leeyahay, taas oo khuburada caafimaadku ay rajeynayaan inay tahay horumar laga gaarayo soo saaristiisa.

Jaamacadda Oxford ee Ingiriiska ayaa sheegtay in tijaabo socotay muddo sanad ah ay ka qeybgaleen 450 carruur ah oo ku nool dalka Burkino Faso ee Qaaradda Afrika, isla markaana aan laga soo sheegin waxyeello caafimaad oo tallaalkani ku yeeshay carruurtaas

Jaamacadda Oxford ee Ingiriiska ayaa sheegtay in tijaabo socotay muddo sanad ah ay ka qeybgaleen 450 carruur ah oo ku nool dalka Burkino Faso ee Qaaradda Afrika, isla markaana aan laga soo sheegin waxyeello caafimaad oo tallaalkani ku yeeshay carruurtaas.

Waa markii ugu horreysay ee tallaal cudurka duumada uu ka gudbo shuruudaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, taasoo khasab ka dhigaysa inuu 75% tallaalku waxtar leeyahay, si soo saaristiisa loo ansixiyo.

Cilmi-baareyaasha ayaa sheegay in ay xilligan qorsheynayaan billowga tijaabada heerka 3-aad ee tallaalkan, taas oo ay ka qeybgali doonaan 4,800 oo carruur da’doodu u dhexeyso 5 bilood ilaa iyo 3 sano, kuwaas oo ku kala nool afar dal oo kala ah Burkina Faso, Kenya, Mali iyo Tanzania, waxaana tijaabadan hirgalinaya Machadka Serum ee dalka India iyo shirkadda tiknoolajiyadda Mareykanka ee Novavax.

Agaasimaha machadka Jenner ee Jaamadda Oxford Adrian Hill ayaa sheegay in 140 iskuday oo hore oo u tartamay soo saarita tallalkan aanu midkoodna ka gudbin shuruudda 75% ee waxtarka tallaalka Malaariyada.

Duumada oo ah cudur halis, waxaa laga qaadaa qaniinyada kaneecada, waxayna sanad kasta ku dhacdaa malaayiin dad ah, iyadoo disha in ka badan 400,000 sanadkiiba oo badankood yihiin carruur yar yar oo ku nool Afrika.

Haddii wareega xiga ee tijaabada tallaalkan oo loo yaqaan R12/Matrix-M lagu guuleysto wuxuu isticmaalkiisa diyaar ku noqon doonaa laba sano gudahood.

 

Post a Comment

0 Comments