Villa Soomaaliya iyo NISA oo fargelin ku hayaan guddiga doorashada Beelaha Banaadiriga


A C-WARAR

Waxaa dib u dhacay shalay doorashada  Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Guddiga doorashada Beelaha Banaadiriga waxaana dad ku dhow beelahaas ay sheegeen in dib u dhaca uu ku yimid Doorashadaas ka dib markii Muran iyo Buuq uu hareeyey.

khilaaf culus iyo is mari-waa xoog leh ayaa maanta ka dhashay doorashadii guddoonka guddiga doorashada ee beelaha Banaadiriga, taas oo keentay lagu kala dareero.

Goobtii ay maanta doorashadu ka dhaceysay waxaa isku qabtay xubno ka wada socday dowladda federaalka, oo u kala jabay laba garab oo kala taabacsan madaxtooyada iyo hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA.

Heshiiskii Muqdisho ma uusan dhigin shuruucda doorashada,taas waxaa daliil u ah sida ay ugu kala duwan yihiin gudiyada adeegsiga sanaadiiqda cod ama cod gacan taag ah oo lagu codeeyo. arintaan oo shaley sababtey in uu dib u dhac ku yimaado doorashada guddiga banadir

ku dhaqan la’aanta dowlada ee jadwalka doorashada maadaama mudadii tababarka iyo doorashada hogaamiyeyaasha guddiyada ay aheyd in ay dhamaato 5-ta July waxaa jira khilaaf ka taagan qaab loogu codeynayo musharaxiinta waxayna labada garab ee ka kala socota NISA iyo Villa Somalia kala dalbanayaan in lagu codeeyo gacan taag iyo in lagu codeeyo sanduuq

sidoo kale Xogo aan helnay ayaa sheegaya  in dib u dhaca uu yimid kadib markii doorashada guddiyada ay soo farageliyeen saraakiil ka socotay madaxtooyada Soomaaliya, iyagoo sheegay in ay wataan Shaqsiyaad dhinacooda ah.

Odoyaal iyo Waxgarad ayaa ka codsadey Gudiga Farsamada ee uu Raiisul Wasaaruhu Magacaabey in soo farageliyaan arrintaan oo beelaha Banaadiriga loo Madaxbanaaneeyo in doorashadadooda ay iyagu qabsadaan.

Villa Soomaaliya ayaa sidoo kale la sheegay iney wado shaqsiyaad aanba ka soo jeedin beelahan, iyadoo dooneysa in ay talada kala wareegto Beelaha xaqa u leh.

Sidoo kale waxaa inta badan la doortay Labadii maalin ee la soo dhaafay Guddiyada doorashada maamul Goboleedyada kuwaa oo la sheegay iney Villa Soomaaliya ku yeelatay saameyn xoog leh.

Maanta lagu wadaa iney dhacdo doorashada gudoonka maamulaya doorashada Beelaha Banadiriga kuwaa oo xitaa kuraas badan aan ku laheyn Golaha shacabka iyadoo isha lagu wada hayo shaqsiyaadka la dooran doono

Post a Comment

0 Comments