wadooyinka muqdisho oo nadaafad dari xoogan ay ka jirto

 


A C-WARAR

Halkan waa dada isku xirta Isgoosyada Baar-ubax iyo Holwadaag Jidkaan waxa loo garan ogyahay wadada Xareed in kabadan Hal Sano waxaa waxaa dhex yaala biyo aaay dhigeen Roobabkii ka da'ayay Magalada Muqdisho.

Inta badan Jidadka dhex mara Caasimada Dalka waxaa dhex Fadhiya biyo midobkoodu is badalay, Gudoomiyayasha Dagmooyinka Gobalka Banadir iyo Duqa Caasimada Cumar Filish waxa aay gabeen musuliyadii aay u hayeen Bulshada ku dhaqan Muqdisho kuwaas oo bixiya Canshuur aan waxba loogu qaban.

Sidoo kale waxaa waxaa isna xiran wadada Daalo taas oo aay ku jiraan Biyo aad u badan, gacansiyadii halkaas ku yaalay ayaa guud ahaan irdaha loo laabay maadama aaysan Dadkii wax ka iibsan lahaa aasan jirin Meel aay u soo maraan.

Jidad badan oo kamida ku dhex mara Caasimada Umada Soomaaliyed ee Muqdisho ayaa biyaha Roobabku jareen loo mari wayay iyadoo Gawaarida dadkweynaha qaada iyo kuwa Qaaska loo leeyahay aay waqtigaan layihiin meel aay maraan.

Laamaha Caafimaadka ayaa ka deyrinaya Biyaha Wasaqestay ee yaala Magalada gudaheeda waxa aayna sheegeen in aay cuduro ka dhalan karaan hadii aan laga shaqeen nadaafada guud ee magaalada.





Post a Comment

0 Comments