4.5 Nidaam dhaamo Ma Jiraa Horta ?


 A C -WARAR

Nidaamka 4.5 waa nidaam dowladeed kan ugu cadaaladda darran ee aan abid arkay.

Marka koowaad qabiilo dhan oo Soomaali ah ayaa la liiday, marka labaad qabiiladii wax liiday dhexdooda ayaa wax kala boobay, marka seddaxaad dadkii isla dhashay ayaa lafo lafo ama juf jufo isku soo xoogay, kedibna isku nacay, intaasoo dhan kedibna beel walba ama jufo walba midkooda ugu tuugsan ama ugu tayada xun ayaa kursigii dafaya, kuna fariisanaya.

Kuwaasi tayada xun ee kuraastaasi ku fariistana dan qarran iyo mid reer xataa meesha kuma haayaan.

Waa nidaam aad u liito runtii.

Ma maqli jirtay Aayaddii Quraanka Kariimka ee ahayd: " ولا يلدوا إلا فاجرا كفارا ", sidaasi si lamid ah nidaamkaan wax aanan xildhibaan tuug ah iyo mid daneysta ahayn maba soo saaro, markii inyar oo Alle SWT uu u naxariistay laga reebo maahee.

Nidaamkaan hala baabi'iyo, waxtar iyo kartina ha lagu tartansiiyo dadka ayagoonan qabiiladooda iwm la eegeynin.

Waa fikirkayga, adigana maxaad ku dari lahayd intaas? Fiidnimo wanaagsan

 

Post a Comment

0 Comments