Kooxda Chelsea ayaa ku guulesatay Koobka UEFA Super Cup kaddib markii ay
guul kaga gaartay naadiga Villarreal rigoorayaal 6-5 kulan leysku daalay oo
waqti dheeri ah la aaday kaasoo ku dhammaaday bar-bardhac 1-1 ah
Qeybt hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay
kooxda reer England ee Chelsea
Daqiiqadii 27-aad kooxda Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, kaddib
markii uu 1-0 ka dhigay Hakim Ziyech, oo caawin ka helay saaxiibkiis Kai
Havertz
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa
waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan
ee goolal loo filan karay
73 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Villarreal ayaa dhalisay goolka
bar-bardhaca, kaddib markii uu 1-1 ka dhigay ciyaarta Gerard Moreno, waxaana goolkan
ka caawiyay Boulaye Dia
90-ka daqiiqo ee loogu talagalay kulanka ayaa wuxuu ku soo idlaaday
bar-bardhac 1-1 ah oo ay isku mari waayeen labada kooxood Chelsea iyo
Villarreal, waxaana la aaday 30 daqiiqo oo waqti dheeri ah, si loo xaqiijiyo
kooxda ugu dambeyn loo caleemo saarayo ku guuleysiga koobka UEFA Super Cup
Ugu dambeyntii kooxda Chelsea ayaa ku guuleysatay Koobka UEFA Super Cup,
kaddib markii rigoorayaal 6-5 ah ku garaacday naadiga Villarreal, Kaddib ciyaar
aad u xiiso badan oo ka dhacday garoonka Windsor Park ee Northern Ireland
0 Comments