MANCHESTER:-Laacibka Kubadda Cagta Cristinano
Ronaldo ayaa dib ugu laabanaya horyaalka Ingiriiskaa, waxaana heshiis la
gaartay kooxdiisii hore ee Manchester United, iyadoo weeraryahankan caalamiga
ah ee reer Portugal uu dib ugu noqonayo garoonka Old Trafford.
Manchester United waxay ku faraxsan tahay inay xaqiijiso in kooxdu ay
heshiis la gaartay Juventus, si loogu wareejiyo Cristiano Ronaldo” ayaa lagu
yiri bayaan ka soo baxay kooxda Manchester United oo intaas ku daray
“Cristiano, oo shan jeer ku guuleystay cabal-marinta Ballon d’Or, wuxuu ilaa
hadda ku guuleystay 30 koob oo waaweyn intii uu ku jiray xirfadiisa, kuwaas oo
ay ku jiraan shan horyaal oo Champions League ah, afar koob oo FIFA Club World
Cup ah, toddoba horyaal oo England, Spain iyo Italy ah, iyo koobka qaramada
qaaradda Yurub oo uu dalkiisa Portugal u qaaday.”
Manchester United ayaa sidoo kale bayaankeeda ku sheegtay in
taageereyaasheedu ay ku farxeen soo noqoshada halyeygoodii hore, kaas oo u
dhaliyay 118 gool 292 kulan oo uu u ciyaaray intii u dhexeysay 2003-2009.
Ronaldo ayaa khamiistii sheegay inusan dooneyn inuu la sii joogo kooxda
Juventus ee horyaalka Talyaaniga, waxaana durbadiiba soo baxay in Manchester
City oo deris la ah Manchester United ay xiiseyneyso saxiixiisa, waloow ay
markii dambe ay ka laabatay, taas oo uu fursad u siisay inuu ku laabto
koodiisii hore.
0 Comments