Culimada iyo ODAYAASHA rasmiga ah ee 135-ka oo diiday habraaca doorashada

 



A C -WARAR

Qoraal kasoo baxay odayaasha dhaqanka iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in duubabka yihiin hey’adda marjaca ugu sareeya hey’adaha dowladda Soomaaliya isla markaasna loo ogolaado inay iyaga soo xulaan xubnaha Baarlamaanka sidaasna lagu doorto madaxweynaha

Odayaasha dhaqanka ee soo dhisay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hor yimid habraacii doorashada Golaha Shacabka oo ay soo sareen madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble

Waxa ay ku tilmaameen habraac kasoo baxay Golaha Wadatashiga nasiibdarro ah oo arrin la yaab leh noqotay in si baalmarsan shuruucda iyo curfiga wadanka u yaal, si aan gabbasho iyo sariigasho toona laheyn layskugu dayo in lagu tirtiro kaalintii duubabaka oo laysku qanciyo in maanta laga tallaabsan karo  doorasho lagu sameeyo wax -ka -beddelkii u dambeeyay waxay horseedi doontaa doorashooyin aan caddaalad ahayn.

Mowqifka Culimada ee habraaca doorashada ayaa waxa uu noqdey mid waa faqsan Mowqifka Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee rasmiga ah Wax -ka -beddelkii u dambeeyay ee Habraac Doorashada MohamedHRoble waa in uu u hogaansamaa shuruucda dalka

si loo helo dorasho xalaal ah awoodda soo xulista xubnaha matalaya beelaha waxaa leh madaxda dhaqanka, lug kuma yeelan karo masuul iyo maamul siyaasadeed. Ciddii isku dayda inay si hareer marsan shuruucda iyo curfiga wadanka u baalmaraan waa mid sinnaba aan looga aqbaleyn meelna gaareyn

Wexeeyna labada dhinac ugu baaqeyna Ra’iisul wasaaraha, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hadda ayagu mas’uul ka ah doorashooyinka inay dhageystaan oo ay qaatan tallada Salaadiinta,iyo culimada oo lagu tixgeliyo waxa ay xaqa u leeyihiin,

 Wexeeyna ku baaqeen ugu danbeenti in hadii aan wax laga badalin qodobada  ee lagu heshiiyey in ay dalka u horseedi doonto dagaal sokeeye

Post a Comment

0 Comments