Ilo-lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in ay heleen warbixino sheegaya in
Muqdisho ay soo galeen ugu yaraan 13 qof oo rag ah, kuwaas oo dhamaantoodba la
sheegay in ay u xeranyihiin Jaakadaha Qarxa islamarkaana damacsan in xiliyo
kala duwan ay weeraro ka geestaan goobo kala duwan oo Muqdisho
Waxaa lagu soo waramayaa in Fahd yasiin iyo farmaajo ay ka danbeeyaan tani
waxa ay cadeeneeysaa Heerka ay gaarsiisan tahay wada shaqeynta Fahd Yaasiin iyo
Farmaajo ee dhaqdhaqaaqa argagaxisada Al-Shabaab ee argagax gelinta dadka
Soomaaliyeed iyo saameynta doorashada Soomaaliya Sidaa darteed ayuu Qaswade
Farmaajo isugu dayayaa inuu abuuro qalalaase dhaliya dagaal iyo dhibaatooyin si
nidaamkiisa guracani xilka usii hayo oo uu kursiga ugu nagaado
Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, Farmaajo, ayaan ka tagin falalkiisa
marin-habaabinta isaga iyo saaxiibkii Fahad Yaasiin iyo Al-shabaab oo dano gaar ah
ka leh inay cabsi ku beerto shacabka Soomaaliyeed
Waxaana lumay dhamaan awoodihii farmajo ​​kadib khilaafkii dhawaan ka
dhaxeeyay isaga iyo Rooble qaraxyada la filayo inay muqdisho ka dhacaan ayaanu
ku doonayaa inuu ku ilawsiiyo shacabka somaliyeed dhirbaaxada siyaasadeed ee
dhanka rooble uga timid Socdaalka Rooble ee Kenya iyo guushii uu ka gaaray
heshiisiinta labada dal ayaa muujineysa in Farmaajo uusan wax shaqo ah ku
lahayn dalka haddii uusan xilka haynin
Muqdisho ayaa aad loo dareemay saacadihii la soo dhaafay, inkastoo dadka
qaar ay u qaateen arrimo ciidan oo la xariira khilaafka Madaxweynaha Soomaaliya
iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble
Tan iyo markii dowladda federaalka ay waddooyinka Muqdisho ku wada goysay
dhagxaan, kooxda Al-Shabaab ayaa xeeladdeeda qaraxyada u wareejisay
shaqsiyaadka isku xira jaakadaha qarxa, kuwaas oo ay adag tahay in laga
hortago, waxaana kadib kordhay qaraxyada is-miidaaminta ah ee magaalada
Dadka fallanqeeya amniga ayaa dowladda ku eedeeyey inaysan laheyn wax
qorshe amni ah oo aan ka aheyn in waddooyinka ku goysay dhagxaan.
0 Comments