Farmaajo wuxuu ku guuleystay inuu meesha ka saaro Abshir Bukhaari



A C-WARAR

Qoorqoor ayaa tan iyo labadii toddobaad ee la soo dhaafay ku mashquulsanaa sidii Abshir Bukhaari looga saari lahaa kursiga baarlamaanka taasoo qeyb ka ahayd heshiis hoose oo dhex maray Madaxweyne

Farmaajo iyo Qoorqoor , wuxuuna Farmaajo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in meesha laga saaro Absher Bukhaari oo cabashooyin badan katabaayey kaligii taliyaha

Farmaajo ayaa adeegsada maamulada degmooyinka taageersan si loo xakameeyo dhammaan dadka ka soo horjeeda doorashadiisa mar labaad

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa la aaminsan yahay in uu ahaa caqabad weyn oo maamulka Farmaajo ka hortaagnayd wax ka bedelka nidaamka federaalka dalka muddadii afarta sano ahayd ee la soo dhaafay

Dhanka kale, heshiiska  Qoorqoor  iyo Farmaajo ayaa dhigaya in dhammaan kuraasta Senet -ka Galmudug ay buuxin doonaan taageerayaasha Farmaajo waayo waxaa aad u yar fursadda uu Farmaajo ku heli karo kuraasta Golaha Shacabka iyo in beeluhu ay talo ku yeeshaan toddobaadyadii ugu dambeeyay. .

Farmaajo ayaa sidoo kale arrintan ku tijaabinaya daacadnimada Qoorqoor iyo sida uu uga soo dhalaali karo fulinta dib-u-doorashada madaxweyne Farmaajo

Waxaa la xaqiijiyay in Senetor Samsam oo ka mid ah kooxda Farmaajo dib loo qorayo, halka xildhibaan Cabdixakiin Macallin Axmed oo ku dhow Farmaajo kursigiisa loo soo wareejinayo Aqalka Sare, si loo damaanad qaado in uu dib u soo laabto, taas oo muujineysa dadaalka uu Qoorqoor ku bixinayo dib-u-soo laabashada Farmaajo

 

Post a Comment

0 Comments