R/W/ Rooble oo isku badeley taageero farmaajo oo cad



 A C-WARAR

R / wasaare Roobley wuxuu rabay inuu qabto doorasho xalaal ah hadda wuxuu rabaa inuu siiyo codadka waqooyi Farmaajo, taasina waxay cadaynaysaa inuu Farmaajo daacad u noqday oo uu doonayo inuu xukunka sii hayo si uu isaguna xilka u sii hayo.

Roobley ayaa amray in dib loo doorto madaxa guddiga G/Waqooyi Cabdi Xaashi iyo Mahdi Gouled si loo hubiyo in guddoonka guddiga si rasmi ah loo siiyo Mahdi Gouled guddigan ayaa ah kuwa xadidi doono doorashada soo socoto ee Somalia

Arrintaan ayaa imaneysa xili uu dhawaan Ra’iisul Wasaaraha kulamo wada-jir ah la qaatay hogaamiyeyaasha labada garab ee u kala jabeen guddiga doorashada kuraasta Somaliland, kuwaasi oo fashil kusoo dhamaaday, kadib markii uu Cabdi Xaashi ku gacan seyray dalab uu kusoo jeediyay Rooble in uu si toos ah ula wareego hogaanka doorashada gobolada Waqooyi si uu asaga u damaanad qaado in guddigaas uu wada noqdo mid u wada codeeyo farmaajo

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tilmaamay in mas’uuliyadda koowaad ee hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka ay isaga saaran tahay, islamarkaana xubnaha guddigu ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey

Doorashada Golaha Wakiilada ka dib Guurtida ayaa noqon doonta mid ka weyn kana adag, tan aqalka sare ayaa si daan u musuqmaasuqsan sideey noqon doontaa tan barlamaanka

 

Post a Comment

0 Comments