Sheeko Degan oo qosol leh



 A C -WARAR

 Nin marqaansan ayaa hadda kahor ah soo galay meel Kawaan ah oo hilibka lagu gado, gadaashiisa waxaa taagneed Bisad.

Bisaddii ayaa ''Miyaaaw miyaaaw'' dhahday, markaasuu kii marqaanka ahaa la hadlay ninkii hilibka gadaayay waxa uu dhahay: ''Kiilo beer ah Bisadda sii''. Hiliblihii Bisaddii ayuu kiiladii beerka siiyay, kedibna horay ayay ka dhameesatay, oo hadana ''Miyaaw miyaaw'' ayay dhahday.

Kii marqaanka hadana waxa uu dhahay: ''Bisadda kiilo hilib ah sii markaan''. Isla markiiba Bisaddii kiiladii hilabkii way cuntay, ninkii marqaanka ahaana albaabka ayuu kasii baxay.

Ninkii hiliblaha ahaa ayaa ka daba imaaday, Aaway lacagtaydii?? ayuu dhahay, kii marqaanka ahaa waxa uu dhahay: ''Maxaa iga galay lacagtaada, adiga iyo Bisadda ayaa idiin kala tarjumaayay bes''. loolz Hiliblihii naxdin.

Post a Comment

0 Comments