Shirkii Afisiyooni khudabadi kasoobaxay oo farmaajo gacanta u galineeyso xakameenta doorashooyinka

 


A C-WARAR

War murtiyeedka laga soo saaray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee shalay iyo maanta ka socday teendhada Afisiyooni ayaa lagu muujiyey qodobo dood adag ka taagneyd.

Waxaa ka mid ah in Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee gobollada Wuqooyi ka imaanaya ay si wadajir u soo xulayaan Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaana ka hubinaya Ra’iisul Wasaaraha.

Ergada doorashada waxaa soo xuli doona Odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada rayidka ah.

Xildhibaannada Aqalka Sare ee Somaliland waxaa dooranaya 46 Xubnood oo ka kala socda 23 ka socda Odayaasha Dhaqanka Somaliland iyo 23 xubnood ka socda Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Qodobada kasoo baxay shirkaas ayaa runtii ka soo horjeeda inay dalka ka dhacaan doorashooyin hufan oo loo dhanyahay, waxayna lidi ku tahay Heshiiskii Muqdisho ee doorashooyinka laga gaadhay.

Farmaajo ayaana ku guulaystay xakamaynta doorashada Golaha Wakiilada isaga oo adeegsanaya madaxda dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta isaga taageersan.

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa sida ku cad heshiisyadii hore iyo habraacii uu dhawaan soo saaray guddiga doorashada ee heer federaal waxay dhigayaan in awooda ugu badan ee doorashada xubnaha golaha shacabka ay leeyihiin

qabaa’ilka kursiga iska leh Noqol ka mid ah habraaca looga heshiiyey soo xulidda Ergada waxaa looga hadlay qaabka cod-bixinta ergada iyo inta uu kooramkoodu ku buuxsami karo waxaana lagu yiri Kooramka codbixinta ergada waxa uu ansax noqonayaa marka ay joogaan ugu yaraan seddax meelood laba meel oo ergo ah

Halkaan madaxda dowlad goboleedyadu waxay ka heli karaan fursad kale oo ay ku dhimi karaan tirada xubnaha ergada ah ee soo dooranaya kursi xildhibaan sida in xubintii la doono lagu adkeeyo warqadda dembi la’aanta sidaasna codeynta doorashada looga reebo qodobadan ayaa awoooda ka qaadaya guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FIET) oo awoodiisii oo dhan lagu wareejiyey Guddiga Heer Maamul Goboleed

ee ay u taliyaan madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada waxaana awoodihii Guddigan kusoo haray kormeerid ogaanshaha maamulka miisaaniyadda Doorashada iyo kaliya sharciyad iyo shahaado siinta xildhibaannada

 







Post a Comment

0 Comments